Puntland: Ceelna uma qodna , cidina uma maqna
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
Luulyo 15 2013
Puntlandtii (Shalay):
Image may be NSFW.
Clik here to view.Unkistii Puntland iyo jiritaankeeduba uu faraj fiican u noqday Soomaali guud ahaan. Maxaa yeelay Puntland waxay hoy u noqotay boqolaad kun oo Soomaaliyeed oo ka soo barakacay koonfurta dalka. Waxay kaloo sabab u ahayd bud dhigii iyo taageeristii maamulo badan oo lagu diirsaday sida kii Baay ee RRA oo uu hogaanka uu hogaanka u hayay Col. Shaati-guduud (Allah ha u naxariistee), kii Shabeelada Dhexe oo uu hogaanka u hayay Maxamed Dheere (Allah ha u naxariistee) iyo kii Hiiraan oo u hogaanka u hayay Yuusuf Dabageed. Waxaa kaloo Puntland Madaxweynaheedii hore (AUN) Mudane Col. Cabdulaahi Yuusuf isaga iyo ciidankii reer Puntland (oo kaashanayay ciidanmado dariska ah iyo kuwo ka socoda xulafada gobolada Soomaaliyeed ee kor ku xusan) sabababeen in markii ugu horaysan tan iyo burburkii 1991 ay xamar oo khad cagaaran kala oolaa midowdo, madaxtooyadii dalkana ay ka howl gasho dowlad Soomaaliyeed. Waxaa kale oo Puntland saldhig u ahayd qoristii Axdiga Qaranka ee Federaalka ah, iyo ka saarista dalka nidaamkii ku meelgaarnimada ahaa iyadoo loo gudbay dowlad rasmi ah.
Waxay kale oo unkistii iyo jirataanka Puntland dhabarjab weyn ku noqotay nidaamka ka dhisan Hargeisa ee goosashada ku salaynaa, iyadoo markasta oo la xuso Somaliland lagu lamaaniyo Puntland looguna yeero labada maamul ee Somaliland iyo Puntland , taas oo waran wadnaha ku taagan ku noqotay Masuuliyiinta Maamulka Hargeisa. Waxaa intaa sii dheeraa in shacabkii reer Sool , Sanaag iyo Cayn la midoobeen walaalahooda midnimada iyo wadajirta Soomaaliyeed u taagan ee reer Puntland, balse waxay Garaadada, Ugaasyada, Salaadiinta iyo Cuqaasha deegaamadaasi ka midka ahaayeen bud-dhigayaashii iyo aasaasayaashii maamulka Puntland.
Dhamaan qodobadaas kor ku xusani waxay Puntland u samaysay una soo jiiday dad badan oo Soomaaliyeed oo ku diirsaday jirtaanka Puntland , halka dhinaca kale markaad eegto aad arkaysid cadow badan oo jecel burburka Puntland sida; Midnimo diidka Waqooyi iyo Maamul iyo Dowlad diidka Koonfureed, kuwaas oo har iyo habeen ku howlan kala gaynta iyo kala furfurista maamulkaas isaga ah.
Puntlandta (Maanta):
Waxaad moodaa in sanadadii ugu danbaysay ay Puntland gashay khalkhal daakhili ah oo khatar ku ah jiritaanka iyo midnimada Puntland. Khalkhalkaas isaga ah waxaa masuuliyadeeda ama eedeeda leh xoogag kala duwan oo badankoodu daakhili yihiin.
Doorka Masuuliyiinta Talada Haysa:
Waxaa naxdin iyo nasiib daro ah in maamulkii laga filayay ilaalinta midnimada Puntland, xalinta khilaafaadka, adeega bulshada, kobcinta ilaha dhaqaalaha, horumarka dadka iyo deegaanka, xakamaynta dakhliga dalka iyo difaaca aayaha iyo iyo jirtaanka Puntland, uu qudhiisii qayb weyn kayahay dhibka taagan, balse aan oran karnaba siyaasadaha guracan, talaabooyinka khaldan, erayada aan lag fiirsan iyo macangagnimada iyo musuqmaasuqa joogtada ah ayaa sabab u noqotay in ay sii kala fogaadeen bahweyntii ku midoobay maamulka , taas oo kaliftay in reer Sool, Cayn iyo qaar ka mid ah reer Sanaag ay xariga goostaan , meesha reer Sanaag bari ay faraha hore ku taagan yihii iyagoo ku hungoobay wixii ay ka filayeen maamulka, samir caalwaa awgiis iyo meel ay aadan oo aan jirina ay ku kaliftay inay magac ahaan weli ku sii jiraan Puntland balse dareekoonka aan farxadi ka muuqan. Bari dareen iyo guux mucaarado oo wayn baa ka jira, meesha Mudug aysanba warba u hayn kana haybaysan maamulka jira, meesha ay Nugaalina ku jirto “Shidanaaba shidan”.
Dhaqaalihii Puntland hoos u dhac weyn ayaa ku yimid oo ay sababtay canshuurta Maamulku kordhiyay, degadii Xamar oo Shaqo dib u bilowday , Berbera oo xowli howlaheedii ku socdaan , Kiilka Shanaad oo wada mashaariic ay xoolo qalan toos ugu dhoofinayaan Khaliijka iwm. Ayaa iyaguna hoos u dhigay heerkii ganacsi ee Puntland lagu yiqiin. Waxaa intaa sii dheer khalkhalka amni oo isaguna dhaawac ku keenay isu socodka ganacsi ee gobolada iwm..
Sidaa awgeed , waxay dowlada xukunka haysaa ku fashilmatay inay dhacdooyinkaas iyo khatarta dhaqaale, ganacsi iyo canshuureed fahmaan , lana yimaadaan istraatiijiyo lagula falgalo laguna dardar gelinayo ganacsiga, sida canshuurta oo hoos loo dhigo, sida in amniga la adkeeyo, sida in heshiisyo ganacsi lala galo kiilka shanaad , sida in la waasiciyo dekeda Boosaaso, la dedejiyo oo la dhamaystiro Airport ka Boosaaso iwm….
Xiriirka Gobalada dalka iyo Maamulka Puntland:
Waxaad moodaa in maamulka jira intii uu isticmaali lahaa xeelado kasbasho shacab si loo xaqiijiyo midnimada dalka iyo kalsoonida shacabka, inuu meherad ka dhigtay isticmaalka istaraatiiyo qar iska xoornimo oo isku dhafan taas oo uu qoloba cayn ula mucaamiloodo sida:
Reer Sool, Cayn, Sanaag: Dhagaha ka furayso Reer Bari: Kala qaybi oo Xukun
Reer Mudug: kii firfircooniiyo waxqabad layimaada oo taageero shacabka mutaba shaqada ka eri, gaas dhagoole durbaanka kuu tumana booskooda u dhiib.
Reer Nugaaleed: San-dareerto sii si ay u ilaashadaan inaan naasku ka gurin, kursigana loogu iman Doorashooyinka Puntland iyo Dimoqraadiyaynta:
Beesha Caalamka waxaa dhaqaale badan looga cunay waxa loogu yeero hirgelinta iyo Dimoqraadiyaynta Puntland, sidaa awgeed, maadaama ay ka fog yihiin saaxada siyaasadeed ee Puntland waxay ku wax qaybsadeen kuna qanceen report –dada ay u diraan hay’adaha aan dowliga ahayn ee arintaan ku taxaluqa iyo maamulka talada haya oo hoygiisa labaad uu yahay Nairobi halkaas oo ay had iyo goor warbixin ku salaysan siday la tahay ama jecelyihiin siiyaan xubnaha beesha caalamka ee hoygoodu yahay Nairobi. Sidoo kale tayada iyo firfircoonida Mucaaradka oo aan jirin ama aad u hoosaysa ayaa kalintay in beesha Caalamku run moodo warbixinada labada kooxood ee kale, taas oo ku xambaartay in ay rabto in wax un doorasho u eg ka dhacaan Puntland si aan markaasi loo oran howshii waa fashilmatay, iyadoo beesha caalamku rabto in darsinka laga dhaxlo Puntland ay mid la mid ah ka fuliso koonfurta Soomaaliya.
Hadaba waxaa isweydiin mudan majirtaa meel ka mid ah caalamka oo ay doorasho xor ah ka dhacday oo aan laga helin shuruudaha aasaasiga u ah hirgelin afti xor oo shacabku codkiisa ku dhiiban karto:
? Maxkamadii Dastuuriga ahayd (ee madax banaanayd)
? Guddi doorasho xor ah (Dowlada oo qudha ayaa samaysay, nus xubnihiina waaba is casileen)
? Tirakoobka afti bixiyayaasha (Haba sheegin)
? Iyo aqoonsigii muwaadiniinta (bal adba)
Hadaba waxaan oran karnaa hab dhaqanka beesha Caalamku iyo dimoqraadiyada gacan ku rimiska ah ee ay sida indho la’aanta ah rabto inay uga hirgeliso Puntland waa mida sababtay dhibka maanta ka dhacay deegaamo iyo degmooyin badan oo ka mid ah Puntland.
Waxaa kaloo nasiib daro iyo qayrul masuulnimo ah in Madaxda Puntland iyagoo og dareenka shacabka, helay qaraarada indheergaradka iyo qucaasha deegaamo kala duwan kuwaas oo uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii ay isku dayaan inay shacabka reer Puntland ku dirqiyaan doorashada gollaha deegaanka ee aan loo bislayn iyo kala doorasho axsaab aan jirin, hadana ku dhiiratay camalkii looga digay kaas oo maanta sababay dhiig Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku daaday bilaa sabab.
Kor waayeel waa wada indho, waayeel waa kuma , waa inagoon is yeelyeelayn,!
Shacabku waa ogaa oo wuu arkaayay in siyaasada iyo dhaqana aan caalamka lagu arag ee ay rabeen maamulku inay dimoqraadiyaynta Puntland ku marin habaabiyaan, kuna jajuubaan shacabka doorasho hal xisbi iyo dhowr xisbiyo ku sheeg rimay gacmeed ku dhashay oo kor ka faanto hoos ka kooko ah (xisbiyo ku sheeg dowladu abuurtay balse sumad xisbi loo yeelay si dadka loogu hoodadeeyo). Waxaa taa ka sii daran dhaqan aan hore caalamka loogu arag kaas oo ah in dowladii ku dirqiday, ku jajuubtay una yeerisay dhamaan shaqaalihii dowlada (ciidan, agaasimayayaal, wasiiro, gudoomiyaaasha degmo iyo gobol iyo tan ugu daran oo ah xubnihii Baarlamaanka oo ah kuwo matala dhamaan qabiilada ku bahoobay Puntland inay xubno ka yihiin Xisbiga Horseed ay samaysteen raga maanta talada haya).
Ficilkani wuxuu meesha ka saarayaa helis doorasho xor ah, waa ficil iyo siyaasad guracan oo laga yaxyaxo. Waxaase ka sii naxdin badan in tiro shan qof aan ka badnayn maahee shaqaalaha iyo xubnaa baarlamaanka aan kor ku soo xusay qof ka hor yimid siyaasadan uusan jirin, ilayn maskiin mushahaaar ku nool ah baa garbo lagu socdo lehe. Taasi waxaan oran waxay tusaale ka tahay heerka maamul iyo maarayn, heerka musuqmaasuq, heerka siyaasad xumo iyo heerka xumo iska qabasha la’aanta ay gaareen shacabka iyo maamulka reer Puntland.
Mucaaradka:
Mucaaradku waa wajiyo badan aan isku ahdaaf, aragti iyo siyaasad midna ahayn, waxayna ku kala baxaan sidan:
? kuwii wasiirada hore uga soo noqday maamuladii tagay, kuwaas oo ka duulaya halku dhaga ah “Hadii Faroolelaba Madaxeyne noqday ana waan noqon karaa”, maadaama ay asxaab iyo isku jiil ahaayeen islana soo jabeen.
? Dhaqdhaqaaq aan ugu yeeray “waa tookadayadii “ oo aan dan guud iyo badbaado midna hadafkoodu ahayn balse “tocco per tocco” ka duulaya
? Xisbiyo Mucaarad ah oo markii hore run mooday kuna dagmay Dimoqraadiyaynta laakiin kadib markay arkeen hadimada ay ku dhaceen , ka xishooday inay shacabka ku xalaaleeyaan waxa la dhoodhoobayo sida Midnimo iyo Wadajir.
? Xirbiyo Mucaarad ku sheeg ah oo xukuumadu hoosta ka samaysatay kuwaas oo aan ugu yeero: muxalaliinta
? Issimo u jeeda waxa socda, horayna maamulku baalasha uga rifay , doorkii nabadoonimo iyo qaran badbaadis oo ay cayaari jireena laga hor istaagay, balse haday helaan wax lagu dhiiran karo diyaar ah inay mowqif qaataan.
? Issimo san-dareerto qaatayaal ah, hoostana kala jira maamulka, qowda maqashii waxna ha u qabana kula dhaqma mucaaradka iyo shacabka Puntland.
Isku soo duuboo , waxaa muuqata in Puntland ay qarka u saarantahay inay ku dhacdo dabinkii lala rabay, walow uu dhiig maanta daatay, hadaba waxaan qabaa in weli xal la heli karo lagu samato bixiyo Puntland sida:
Xal:
? Madaxweyne Faroole in looga mahad celiyo joojinta doorashooyinka deegaanka, taas oo ah talaabo jiho fiican loo qaaday. Balse waxaa dowlada looga fadhiyaa waa sidii ay leadership ku muujin lahayd iyo inay gebi ahaanba joojiso waxa ay ugu yeertay xisbiyada iyo dimoqraadiyaynta qiratana inay ku fashilmatay arintaas, dareentana inaysan suurta gal ahayn mudada yar ee xukunkeeda ka hartay inaysan ku hirgelin karin howshaas sanadada u baahan, sidaa awgeed, waa in ay diirada saartaa awoodeedada isugu gaysaa sidii ay ku badbaadin lahayd dhiig danbe oo daata iyo inaan Puntland gacantooda ku dhiman
? In mucaaradka abaabulada rabshadaha wata ay ka waantoobaan dhamaan wax kasta oo keeni kara isku dhac dhiig ku daayo iyo khalkhal dhaawaca sumcada iyo jiritaanka Puntland
? In Issimada reer Puntland ay shir degdeg ah isugu yimaadaan, shirkaasna ay ku dhagaystaan aragtida Dowlada, Mucaaradka , indheergaradka , Qurbajoogta, Ganacsatada, Ururada Bulshada iwm.. kadibna qaraaro wax ku ool ah oo lagu badbaadin karo Puntland la yimaadaan, iyagoo iska dhowraya inaysan cidna jeebka u gelin walaa mucaarad walaa muxaafid (waana in shirkaasi laga talo geliyaa dhamaan aasaasayaashii Puntland sida (isimada Sool, Sanaag iyo Cayn)
? In hadii Issamadu badbaadin kari waayaan , kana gaabsadaan doorkoodii , la unko Guddi
Badbaado Puntland oo ka kooban Ganacsato, Indheergarad, Qurbaajoog, Ururada Bulshada kuwaas oo ka madax banaan dhamaan xoogaga ku hardamaya xukunka, kuwaas oo agendahooda u bandhiga Dowlada iyo Mucaaradka inta aysan wax how ah ama talooyin ah la iman, wargeliyana ururada bulshada iyo beesha caalamka
? In inta laga helayo isbadal ama doorasho xor ah oo xalaal ah , talada dalka lagu ixtiraamo dowlada maanta jirta wax fowdo ama khalkhal gelin kara isu socodka ganacsiga iyo bulshadana aan laga samayn deegaamada Puntland
? In Ciidanka Daraawiishta iyo Boolisku ogaadaan inay ku dhaarteen difaaca dalka iyo dadka sidaa awgeed aysan dilin shacabka ay u adeegayaan, aan loo adeegsan dulmi, aysana ku dhaqaaqin wax ka baxsan shaqadii looga fadhiyay, maxaa yeelay maamuladu way isbedelaan, laakiin shacabku markasta waa baaqi
? In beesha Caalamku ka waan towdo isku dirqinta dimoqraadiyaynta dhiciska ah, una sheegto maamulka talada haya in aysan Puntland maanta ka hirgeli Karin Dimoqraadiyayntii sidaa awgeed dib loo dhigo dhamayntirka howshaan inta doorashooyinka Madaxweyne ee Jan, 2014 ay dhacayaan , hadba cidii ku guulaysatana ay meeshaa howshii ka sii wado
? In ururada aan dowliga ahayn ee howshaan ku lugta lehi sida PDRC iyo Somali Family Services of Garoowe, ay muujiyaan leadership, mowqif cadna ay istaagaan, dareenka shacabkana iyo kan dowladana u gudbin karaan beesha caalamka si loo ilaaliyo loona xaqiijiyo jiritaanka Puntland
? Iyo ugu danbays in dhacdooyinkaan iyo ismaan-dhaafkaan aan shaar qabiil loo galin ee la ogaado waxa socdaa inay tahay kala duwanaan fikar siyaasi ah, cidii ficil dhiilo ah la timaadana (ama mucaarad ama muxaafid ha sheegatee ) ay taariikhda Puntland baal madow ka galayso maada ay sabab u noqon doonaa burbur ku yimaada Puntland.
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM