Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa sheegay in Koox Argagixiso ah ay kasoo horjeesteen in la hirgeliyo Nidaamka Asxaabta badan kuwaasi oo fawdo ka sameeyey qaybo ka mid ah Deegaanada Puntland, Madaxweynaha ayaa sida uu hadalka u dhigay sheegay in Puntland ay ka warheyso in ay jiraan Koox is bahaysatay oo sida uu hadalka u dhigay dooneysa in ay is hortaakto In shacabka Reer Puntland ay u gudbaan Nidaam Dimuqraadiyad ah oo ay kusoo dooranayaan cida ay doonayaan hase ahaatee markii la arkay Cawaaqib xumada ka dhalan karta arintaasi la joojiyay lagana tanasulay.
Waxaan ogahay kuna kalsoonahay dadka Reer Puntland in ay ku qanacsanaayeen in Nidaamkan hirgalo ayna doonayeen soona dhaweeyeen laakiin Kooxo dano gaara leh ay si qaldan wax u dhigeen waxaanse leenahay Nidaamkan wuu sii socondoonaa inta ay shacabku ka ogolaanayaan Mustaqbalka dambana isaga ayeey Puntland ku dhaqmi doontaa haduu alle idmo sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Faroole wuxuu u mahadcelshay Shacabka Reer Puntland wuxuuna ku booriyay in nabadooda ay adkeystaan oo ay jiraan kooxo lasoo diray oo doonaya in ay hakad geliyaan hor marka Puntland ka jira sida uu yiri Madaxweynaha, beesha caalamka ayuu uga mahadceliyay taageeradooda ku aadan Doorashooyinka Puntland, Hase ahaatee Madaxweynuhu wax war ah kama uusan oran isku dhicii ka dhacay Qardho iyo Diidmadii ay dadku ka muujiyeen Sanaadiiqda Doorashooyinka ee halkaasi la geeyay iyo qasaarihii ka dhashayba.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe