Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiisha booliska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan alshabaab iyo hub ay wateen

$
0
0

baaritaanooooMuqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidanka nabad sugidda ayaa gacanta kusoo dhigayrag ay sheegeen iney ka tirsan yihiin alshabaab iyo hub ay wateen oo ay tilmaameen iney dhibaato ku geysanayeen,Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Madaale ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay soo qabteen rag ka tirsan alshabaab iyo hub ay wateen.

Afhayeenka ayaa sheegay in raggan lagu soo qabtay hawlgal baaxad leh oo ciidamada nabad sugidda ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho hawlgalkaas  oo uu hogaaminayo taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg iyo saraakiil kale.

Afhayeenka booliska Soomaaliyeed ayaa ku sheegay tirada ragga uu alshabaabka ku sheegay ee ay ciidamadu soo qabteen iney gaarayaan  ruux,wuxuuna tilmaamay in dhalinyaradan ay kusoo qabteen hub yaalla guriga ay ku sugnaayeen oo gaarayey  qori,wuxuuna xusay in ragga ay gacanta kusoo dhigeen ay qirteen iney ka tirsan yihiin alshabaab isla markaane ay qayb ka ahaayeen shaqaaqo xalay ka dhacday degmada Dayniile.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta  Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa Muqdisho bilihii u danbeeyey ka waday hawlgallo ay ku micneeyeen iney ku xaqiijinayaan amniga caasimadda oo ay xiliyada qaar ka dhacaan falal liddi ku ah amniga.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles