Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta xafiis cusub ka furtay magaalada Beledweyne

$
0
0

beledweyneBeledweyne(RBC Radio) Hogaanka Socdaalka  iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiis cusub ka furtay magaalada Beledweynee xarunta gobolka Hiiraan,munaasabadda xarigga looga jarayey Xafiiska Cusub ee hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ka hirgaliyey Beledweyne  ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka Hiiraan,Saariisha ciidamada dowlada iyo kuw hiil walaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan.

Ibraahim Xuseen Sheelare oo ah madaxa xafiiskan cusub ee hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya uu ka furtay magaalada Beledweyne oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka furitaanka Xafiiskani uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo Nawaaxigiisu loogu fududayn lahaa helidda Baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sida uu sheegay ay  helitaankiisa meelo fof fog u aadi jireen.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Laqanyo oo xarigga ka jaray xafiiskan cusub ayaa uga mahad celiyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya xafiiska cusub ee hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee ay ka hirgalisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wuxuuna xusay in dadka reer Hiiraan ay dhibaato ku qabeen helidda Baasaboorka Soomaaliga,wuxuuna tilmaamay in bulshada reer Hiiraan iyo gobolada ku teedsan intuba iney ka raysan doonaan iney meelo ka fog sida Muqdisho ay u doontaan marka ay u baahdaan Baasaboorka.

Qaarkamid ahaa odayaasha dhaqan reer Hiiraan ee madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyey xafiiska hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyahada uu ka hirgaliyey magaalada Beledweyne,waxayna baaq u direen madaxda dowladda Soomaaliya,odayaasha ayaa dowladda ka dalbaday iney qafiifiso qiimaha Baasaboorka oo ay sheegeen iney inta badan bulshada ku culustahay qaadashadiisa.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles