Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad Tababar loogu soo xirayey qaar kamid ah Shaqaalaha Caafimaadka Cisbitaalka Xoogga ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee caasimadda Muqdisho ayaa lagu qabtay xarunta Cisbitaalkaas,Tababarkan Caafimaad oo ay bixinaysay Hay’adda Bankrupt ayaa waxaa ka faa’iideystay 121 ka tirsan shaqaalaha Cisbitaalka Xoogga.
Tababarkan oo soconayey muddo 2 bilood ah ayaa waxaa la baray Shaqaalahan waxyaabo badan oo ku aaddan hawlaha caafimaadka,waxaana Casharada bixinayey Macalimiin Soomaali iyo Ajaanibba leh,Madaxa hogaanka caafimaadka wasaaradda gaashaandhigga Gaashaanle Liibaan Xasan Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey Hay’adda Bankrupt aqoon kororsiga ay u fidisaya Shaqaalaha Cisbitaalka xoogga.
Gaashaanle Liibaan Xasan Cismaan ayaa ku ammaanay Hay’adda sida ay isku barbar taagtay Cisbitaalka oo dhawaan lagu sameeyey dib u dayactiri isla markaane lagu wado in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu hawlgaliyo 22 sano kadib,wuxuuna tibaaxay in Hay’addu ay ka taageertay Cisbitaalka dhanka Tababarrada iyo Daawooyinka.
Madaxda Caafimaadka Hay’adda Bankrupt Igmin oo isne hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in hay’addu u taagan tahay taageeridda iyo taakulaynta Shaqaalaha Cisbitaalka xoogga,wuxuuna ballan qaaday iney sii wadi doonaan tababarrada iyo taageerooyinka ay siinayaan shaqaalaha Cisbitaalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho