Muqdisho(RBC Radio) Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si diiran usoo dhaweeyey sharciga cusub ee Warbaahinta oo ay maalinimadii shalay ahayd ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeeshay shirkoodii caadiga ahaa.
Xog-hayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Baakistaan oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyey sharciga Warbaahinta ee golaha wasiiradu ay meelmariyeen,wuxuuna tilmaamay iney tahay wax lagu farxo in 22 sano kadib ay Wariyaasha Soomaaliyeed ay helaan sharci siinaya xuquuqdooda .
Maxamed Ibraahim Xog-hayaha Ururka Suxufiyiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyey iney ku rajo weyn yihiin in sharcigani uu wax weyn ka bedeli doono xaaladda adag ee ay ku shaqeeyaan Wariyaasha Soomaaliyeed ee ka hawlgala warbaahinta madaxa Bannaan oo aan intooda badan helin xuquuqdooda aasaasiga ah.
Sharciga Warbaahinta oo in muddo ah laga war dhowrayey ayey ugu danbayntii shalay meelmariyeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya kadib dood ay ka yeesheen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho