Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20136

Hay’adda UNESCO oo ku baaqday in Cadaaladda la hor keeno kooxaha Caadeystay dilalka Wariyaasha

Image may be NSFW.
Clik here to view.
irina bakova
New York(RBC Radio) Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (UNESCO)  ayaa  si kulul uga hadashay dilalka iyo dhibaatooyinka  lagu hayo wariyaasha ka hawlgala dadal dhowr oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Agaasimaha guud ee hay’adda UNESCO Irina Bakova ayaa muujisay iney si weyn uga xuntahay dilalka Wariyaasha loo geysanayo waxayna  soo jeedisay in baaritaan dhab ah  lagu sameeyo dilalka loo geysanayo  wariyeyaasha wadamada  Soomaaliya, Ruushka iyo Mexico, waxayna ku baaqday in si deg deg ah cadaaladda lagu horkeeno.

Irina Bakova ayaa tilmaamtay iney lagama maarmaan tahay in Wariyaashu ay awood u yeeshaan iney Shaqooyinka ay u hayaan bulshooyinkooda ay u gutaan si nabadgalyo ah oo ay aysan dareemeen wax baqdin.

Hadalkan kasoo baxay agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee  (UNESCO)  Irina Bakova ayaa kusoo beegmay xilli  ay sii kordhayaan dilalka gardarrada ah ee loo geysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo uu ugu danbeeyey dilkii 7dii bishan magaalada Gaalkacyo ay koox hubaysan ugu geysatay Alla ha u naxariistee Wariye Liibaan C/llaahi Faarax (Qaran) oo ka mid ahaa shaqaalaha Talafashinka Kalsan.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20136

Trending Articles