Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xidhibaan Axmed Barre: Miisaaniyad ayaa la ansixiyay dadkuna waa mushaar la’aan.

$
0
0

DSC04711

Garoowe (RBC RADIO) Xildhibaan Axmed Barre Siciid Muuse oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland kana mid ahaa Mudanayaashii Maanta Xaadirka ahaa markii la ansixinayay Miisaaniyada 2012ka kana soo horjeeday in la meel mariyo Miisaaniyada ayaa sheegay in xiligan lagu deg degay Meel Marinta Miisaaniyada iyadoo lawada Ogsoonyahay in Mushaarkooda aysan Dhawr bil qaadan Shaqaalaha Dowlada iyo Ciidankaba taa bedelkeedna ay mudnayd in si xoogan loola Xisaabtamo Wasaarada Maaliyada lana ogaado halka ay lacaguhu maraan Marba hadaaan shaqaalaha Mushaarka lasiin.

 

“ Waxaan ka xumahay talaabada ay Xildhibaanadu qaadeen waxaana aaminsanahay in ay ku fududaadeen talaabadii Maanta  waxaa qumaneyd in aan dib u eegno Marxaladaha kala gedisan ee uu dalku marayo Shaqaalaha Dowlada Mushaar ma qaataan Ciidankana sidoo kale dalka Canshuur ayaa ka socota oo dadka laga qaataa maxaa lagu qabtaa hadaan Dadka aan soo sheegay la siin ma ahan in indhaha leyska qabto ama been leysku sheego waxaanu mataleynaa Shacbiga reer Puntland laakiin waxay iila muuqataa in Qalad aan u jeedno inaan indhaha ka qabsaneyno waase la arki doonaa cawaaqib xumada ka dhalata arintaasi.

 

Xildhibaan Axmed Barre ayaa Horay uga mid ahaa Urur Siyaasadeedkii Midnimo ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka iSaga Baxay waxayna Xildhibaano Kasoo horjeeda Fikirkiisa ay xuseen in Xildhibaanku uu Mucaaradsan yahay Ururka Horseed iyo Xukuumada Madaxweyne faroole Sidaa darteedna hadalkiisa loo qaadan karo Nin Carooday Sida ay hadalka u dhigeen, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhankooda lagu xantaa in ay meel mariyaan Codsi kasta oo kaga yimaada Xaga Xukuumada marka laga reebo faaf reeb aan sidaa u buurnayn oo ay ku sameeyaan hadba Qodobkii lasoo hordhigo.

RBC RADIO.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles