Garoowe (RBC RADIO) 39 ka mid ah 44 xildhibaan oo maanta soo xaadiray Xarunta Golaha wakiilada Puntland ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Miisaaniyada ay soo gudbisay wasaarada Maaliyada ee 2012ka kaasi oo indhawaaleba Su’aalo laga weydiinayay Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire Arimo quseeya dhaqaalaha Sida laga yeelo lacagaha soo xarooda Bixinta Mushaarada iyo Su’aalo kale oo dhaqaalaha la xiriira.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland Salaad Xareed Cali ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay Cod Caqlabiyad leh ku ogolaadeen kuna fasaxeen Miisaaniyada Sanada 2012ka sidaa darteedna la aqbalay Miisaaniyadii ay soo Baas-Gareeyeen uuna sidaa ansax ku yahay.
Dhildhibaano katirsan Golaha wakiilada ayaa ku dooday kana biyo diiday ansixinta Miisaaniyada iyadoo wali aan la bixin Mushaaraadka Shaqaalaha iyo ciidanka loona baahan yahay in Wasaarada lagala xisaab tamo sababaha ay Mushaaraadka u bixin weesay iyadoo si xawli ah Casnhuuraha looga qaado Deegaanada Puntland sida xildhibaanadu ay xuseen.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.