Muqdisho(RBC Radio) Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey sharciga Saxaafadda (Media Law) kulanka golaha wasaarida ee khamiis laha oo uu maanta shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
C/llaahi Ciilmooge ayaa sheegay in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay kulankooda maanta uga ku falanqeeyeen qodobo dhowr ah,wuxuuna tilmaamay iney si gaar ah uga doodeen sharciga Warbaahinta kaasoo dood dheer kadib ay golaha wasiiradu ansixiyeen.
Wasiirka ayaa xusay in xukuumaddu ay 9kii bishii Febaraayo ee sanadkan ay iskugu yeertay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta,wuxuuna sheegay in kulan ballaaran oo ay la yeesheen qaybaha Warbaahinta dalka iney ugu bandhigeen sharciga Saxaafadda,Ciilmooge ayaa xusay in xukuumaddu ay sharcigan ka talo galisay Bahda Warbaahinta dalka oo talooyinkooda xukuumadda usoo gudbiyey Bishii May ee sanadkan,wuxuuna tilmaamay in inta badan qodobada sharcigan ay yihiin kuwii ay soo gudbiyeen Warbaahinta madaxa bannaan ee dalka.
“Runtii marar badan ayaa waxaa dhacday in lagu xadgudbo shuruucda warbaahinta, dawladduna wax tallaabo ah ma aysan qaadin, sababtoo ah waxaan sugeynay in sharci la helo si cid walba ay u hesho xaquuqdeeda” ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale warbixinno looga dhegeystay wasiirada warfaafinta oo ka warbixiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo laga qaaday xayiraadii dhanka duulimaadyadaga ahayd iyo wasiirka adeegga bulshada oo ka warbixisay heshiis dhanka caafimaadka ah oo ay la gashay dowladda Turkiga heshiiskaas oo uu qayb ka yahay in si dhaqso ah loo hawlgaliyo Cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho