Garoowe (RBCX RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in Cidii la timaada xumaan xiliga doorashooyinka laga jaaseyndoono lana ciqaabi doono maadaama ay is hortaageen danta umada dhibaatana la dooneen shacbiga Puntland ee diyaarka u ah doonayana in ay u gudbaan Dimuqraadiyad Sax ah Mar uu ka hadlayay Banaanbixii ugu Dambeeyey ee Ururka Horseed ay Maanta ka qabsadeen Gobolada Puntland.
Xaflad lagu soo qatimayo Banaanbaxyada ay Ururka Horseed kusoo bandhigayaan quwadooda Taageero oo ay kasoo qayb galeen Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Ururkaasi laguna qabtay Xarunta Jaamacada PSU ayuu Madaxweynuhu uga Codsaday Shacabka Reer Puntland in ay Codeynta ka qayb galaan una hiiliyaan is bedelka iyo hormarka Dalka kana Gudbaan nidaamka Qabiiliga wax loogu doorto dhagahana ka fureystaaan dadka kasoo horjeeda in Puntland yeelato Nidaamka Asxaabta Badan dadkaasi oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Cadawga Puntland sida uu Madaxweynuhu Hadalka u dhigay.
“ Hadaad Low isku dhufato adi unbaa u dhutin waxaan uga danleeyahay hadalkaa dalka hadii fawdo iyo waxaan loo joogin laga abaabulo inaga unbaa hadhaw u aayeena nabadii iyo kala dambeyntii aynu lahayn kuna soo dhacayna meel cidlo ah ee yeeynaan sameyn wax hadhow aan ka qoomameyno, Nin Durbaan Tumay Ilaaq Dalbay ayaa horay loo yiri, inaga hadaan niri halaga qayb galo Doorashooyinka waxaan uga dan leenahay in loo tartamo Kursigaas ileen cidi cid kama xigtee Dadkuna Codeeyaan Haday rabaan Horseed ha u codeeyeen Haday rabaan Ururkale ha u codeeyeen laakiin waa in aan ka dhabeynaa samaynta Nidaamka Asxaabta Badan sidaana waxaa yiri Madaxweyne Faroole.
3cisho ayaa ka dhiman Xiliga Doorashooyinka Puntland Taasoo la sheegay in ay ka dhici doonto Gobolada Puntland, Gudiga Doorashooyinka Puntlandna waxay sheegeen in Shaqadu sidii la rabay ay ku socoto Dhawaannah la guda Gali doono Doorashooyinkii Golaha Deegaanka waxaase wali meesha ka marnayn in ay jiraan dad Mucaaradsan Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyagoo u sababeenaya in Dadka aysan Wacyigelin buuxda haysan una Bisleen Doorashooyin hada la qabto.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.