Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

UNHCR oo sheegtey inay soo dhaweyneyso qaxootiga Soomaalida ee u noqonaya dalkooda

$
0
0

UNHCR-255x300

Nairobi[RBC Radio]Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga eeUNHCR ayaa kahadashey dadaalka xiligaan lugu doonayo in Soomaalida malaayinta gareysa ee qaxootiyada ku ah dalal dhoor ah oo uu ugu horeya dalka Kenya.

UNHCR ayaa caddeysey inay hormartahay in la ark qaxooti Soomaaliyed oo dalbanaya in ay dalkooda dib ugu noqdaan taaso ay xiligaan jiraan Soomaali donaysa inay dalkooda ku noqdaan.

Antonio Guterres madaxa UNHCR oo ka hadlayey qaxootiyada Soomaalida ayaa sheegey inay soo dhawenayaan qaxootiga Soomaalida ee u noqonaya dalkooda,taaso ku sheegey inay tahay hormar ay gaaren shacabka Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in ay la shaqeynayaan Soomaaliya iyo dowladaha martigaliyay qaxootiga, marka ay timaaddo dib u celintooda, iyadoo la eegaya ammaanka dalka.

UNHCR waxaa ay sidoo kale ka digtey inay wali jiran dad Soomaali ah oo ubadan dhalinyaro inay wali doonayan inay noqdaan qaxooti,taaso ay ku timaamen inay tahay wax laga wan toobo.

Ugu danbeentina waxaa ay sheegtey UNHCR in Ku dhowaad 1.1 million oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, halka in ka badan 1 million oo qof ay qaxooti ku yihiin dalalka deriska ah

Kumanaan Soomaali ah ayaa la caddeyey inay xiligaan dib ugu noqnayaan dalkooda kadib markii ay ka wayen dalalkii ay tageen wax dhaama midii ay uga soo tagen dalkooda.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles