Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga hadlayay fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya oo maantey ka furmey Nairobi

$
0
0

008_nairobi

Nairobi[RBC Radio]Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maantey ka furmey kulan ballaaran oo loga hadley fursadaha maalgashiga Soomaaliya,iyo sida looga faa’ideysan karo qeyradka dabiiciga ah ee uu dalku leeyahay.

Shirkaan waxaa maantey soo qaban qaabisey ururka Somali Economic Forum ,waxana uu ururku sheegey in shirkaan ay uga guleyihiin sidii ganacsatada iyo malqabeenada Soomaalida logu baraarujinlaha inay ka qeyb qaatan maalgashiga dalka qeyraadka dabiciga leh rabi ku manestey.

Xasan Muuse oo ah agaasimaha Ururka Somali Economic Forum oo dahfurkii kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegey in loo bahan yahay in Soomaalidu ay indhahuda ufuran sidii ay dalkooda maalgashi ka jira uga qeyb qadan lahaayen.

Shirkan oo ay goob jog ka ahyeen shirkado ganacsi oo dhoor ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa sida uu caddeyey agaasimaha ururka shirkado ajaanib ah kuwaaso ay kala hadleen inay ka qeyb qataan malgalinta dalka iyo sidii wax soo sarka dalka looga faa’idanlaha.

Agaasimaha waxa uu tilmaamay in xiligaan ay jiraan Soomaali badan oo dalka dib ugu labtey kuwaaso sameyey malgashi xoogleh oo dhinacyo kala gadisan leh iyadoona ay arrintaasi ay ka faa’idesten dhalinyaro Soomaaliyed.

Dhoor mar oo hore ayaa waxaa magaaladda Nairobi lugu qabtey shirir loga hadlayo ganacsiga iyo malgalinta Soomaaliya waxana inta badan shirarka ka qeyb gala shirkado ajaanib ah iyo Soomaali.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles