Pretoria[RBC Radio] Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jocob Zuma oo ka tacsiyeenayey geeridi ku timid safiirki Soomaaliya ufadhiyey dalkisa ayaa sheegey in geerida ay siweyn uga naxeen maadama sida uu sheegey safiirku uu ahaa mid hayey xariga ay kuwada xiriiri jiren Soomaaliya iyo Koonfur Africa.
Safiirki Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa ayaa sheley geryoodey arrintaaso dowladda dalkaasi K/Africa ay ku tilmaamtey inaysan wax hakad ah galin doonin dadaalku lugu doonayey wanajinta xiriirka labada dal.
Jocob Zuma ayaa sheegey inay marwalba xukuumadisu utaagan tahay sidii ay isii socon lahed xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya,waxana uu tilmaamey inay wadaan qorshayaal cusub oo ay ku donayaan inay ugu soo dhawaadan shacabka iyo dowladda Soomaalida.
Madaxweynaha K/afrika waxaa uu caddeyey inay ay laba jibaarayan xiriirka saaxibtinimo ee ay la leyihiin Soomaaliya taaso uu ku sheegey inay tahay qorshahooda koobad ee ay ugu soo dhawaanayan Soomaalida.
Mar uu ka hadley geeridi safiirki geryoodey ayaa waxaa uu ku tilmaamey Sayid Shariif inuu ahaa howl kar marwalba jecla inuu sii socdo howlaha shaqo ee labada dowladdood.
“Shabaka iyo dowladda Soomaalida waxan la qeyb sanayna dareen murugo leh anaago tusena inan ka xunahay geeridi ku timid safiirkoda ujogey dalkeen,runti markan ka hadlo qof ahanshiyaha safiirka waxaa uu ahaa mid utaagab hormarinta iyo sii socoshada xiriirka saaxibtinimo ee labada dal ee uu isago u dhex tagna wana howl kar ayaa la orankara”ayuu sheegey Sayid Shariif.
Dalka K/afrika ayaa ka mid ah dalalka ay kunool yihiin shacab badan oo Soomaaliha kuwaaso dalka qoxooti ku ah,waxana uu dalkaasi wajiga hoore kaga jiraa dalaalka lugu dhibaateyey oo dilalka logu geesto Soomaalida.
RBC Radio