Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Taliska ilaada wadooyinka ee Taraafikada Soomaaliyeed ayaa maanta mar kale amar kasoo saaray Isticmaalka wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho gaadiidka Xamuulka ah ee Dekedda ka keena Badeecooyinka ganacsiga,taliyaha ciidamada ilaalada wadootina Jen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa ku dhawaaqay amarka ay ku joojinayaan in gaadiidka Xamuulka ah ay isticmaalaan Wadada Makka Al-mukarama oo ah wadada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.
Jen. Cali Gaab ayaa sheegay in Baabuurkii Xamuul ah ee lagu qabto isaga oo maraya wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho iney ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,wuxuuna digniin u daray dhammaan mulkiilayaasha iyo wadayaasha Gaadiidka Xamuulka ah ee qaaday Shixnadaha Dekedda kasoo dega.
“Gaadiid ka badan 6 Tan ma adeegsan karo wadadaas,waxaa kaliya oo loo ogolyahay gaadiidka raaxada iyo kuwa dadweynaha ee BL-ka,wadadaasi waa mid uu mashquulkeedu badan yahay mana xamilo karto in gaadiidka xamuulka ah ay isticmaalaan,waxaa u furan gaadiidka Xamuulka ah wadada Umadda iyo Tarabuunka si ay Bakaaro u gaaraan”ayuu yiri taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee taraafikada Jen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab.
Taliska Taraafikada ayaa sheegay in maadaama ay umadda Soomaaliyeed burbur kusoo jirtay ay adag tahay in hal mar lagu soo wada celiyo sharcigii iyo kala danbayntii dalka,wuxuuna tibaaxay iney si tartiib tartiib ah u doonayaan iney u maraan soo nooleynta Kala danbayntii wadanku uu lahaan jiray.
Dhanka kale taliyaha ciidamada Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab ka digay in dadku ay Baakin ka dhigtaan wada dhinaceeda taasoo qayb ka qaadan karta inuu ciriiri galo isu socdka wadada,wuxuuna sidoo kale dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay iney qaataan sharciga Laysanka ee Gaari wadida iyo iney gaadiidkooda u gooyaan Taarikada aqoonsiga gaadiidka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho