Muqdisho(RBC Radio) Qaar kamid ah dhaawacyadii kusoo waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa maanta laga saaray Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo muddooyinkan xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayey Cisbitaalkaaso.
Daahir Cabdisalaam oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusoo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maanta Cisbitaalka laga saaray 9 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay dagaalkii Kismaayo kadib markii sida uu sheegay ay soo hagaagtay,wuxuuna intaa ku daray iney Cisbitaalka wali ku jiraan 17 askari oo qaba dhaawacyo u badan Jajab dhanka lugaha ah.
Daahir Cabdisalaam ayaa sheegay iney Cisbitaalka ka heleen Daryeel caafimaad oo wanaagsan,wuxuuna u mahad celiyey maamulka Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyo madaxda dowladda Soomaaliya oo kasoo qaaday magaalada Kismaayo isla markaane ku daryeelay intii ay ku jireen cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
2 Xidigle Daahir Cabisalaam ayaa xusay iney u diyaar garoobayaan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ,wuxuuna sheegay in magaalada Kismaayo ay ku jirto gacanta gumeysiga kusoo duulay dalka Soomaaliya ee Kenya sida uu hadalka u dhigay,isagoona tilmaamay iney dalka ka xoreyn doonaan cadowga kusoo duulay sida uu hadalka u yiri.
Dagaaladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose oo sababay dhimashada dad aad u fara badan ayaa waxaa dhaawacyadii ka dhashay dagaaladaas loo kala qaaday Cisbitaalo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho