Baydhabo(RBC Radio) Taliska Xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka dayrinaya Xaaladaha noleed iyo Caafimaad ee maxaabiista ku jira xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo,taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo Gaashaanle Yuusuf Cabdi Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira Xabsigaas.
Taliyaha Xabsiga ayaa sharraxaad ka bixiyey duruufaha ay ku nool yihiin maxaabiista faraha badan ee ku jira Xabsiga dhexe ee magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay,wuxuuna sheegay in dhibaatooyinka lasoo dersay maxaabiista iney ka mid yihiin,iyag oo aan haysan Weelasha wax lagu cuno,Dharkii loogu talagalay Maxaabiista,Daawooyin iyo gogol intaba.
Taliyaha ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowladda Soomaaliya,maamulka gobolka Hay’adaha deeqaha bixiya ganacsatada gobolka Baay iyo dhammaan dadka wax haysta iney usoo gurmadaan Maxaabiista ku dhibaataysan xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo,
Gaashaanle Yuusuf Cabdi Cali ayaa shaaca ka qaaday iney xabsiga ku jiraan maxaabiis aan la xukumin wuxuuna daboolka ka qaaday iney ku rajo weyn yihiin iney sida ugu dhaqsaha badan u heli doonaan Garsoor caddaalad ah,wuxuuna xusay iney dhawaan Xabsiga booqdeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday dowladda Soomaaliya kuwaas oo indhahooda ku arkay dhibaatada ka jirta Xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo,cabashada taliska Xabsiga ayaa imaanaysa xilli la guda galay bisha Barakaysan ee Ramadaanka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho