Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Xaflad Ballaaran oo Loo Qabtay Ardeyda ka Qalanjebisay Dugsiga Sarre ee Muntada Qardho Sanaddugsiyeedka 2012/2013 [Sawirro]

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC
Qardho[RBC Radio] Xafladaani oo loo qabtay ardayda ka qalinjabisay Sanadkaan Dugsiga Sare ee Muntada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maamulka Degmada,Gudoomiyaha waxbarashda,degmada iyo kan gobolka,Waalidiin Macalimiin,Maamulka Shirkadda Golis iyo Marti sharaf kale oo aad u badan.

Ugu Horeyntii waxaa ka hadalay kuxigeynka Maamulaha Dugsiga Sare Muntada C/rashiid SIciid Ducaale oo ku dheeraday isbadalada sanadkaan ku soo kordhay Dugsiga.

Wuxuna sheegay in la dhisay Saddax fasal oo lagu soo kordhiyey Dugsiga,waxa uu daboolka ka qaaday in Iskuulka sanadkaan wixii ka danbeeye madooyinka seyniska lagu qaadan doono luuqada English-ka,taas oo sheegay in ay soo rogtay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Maamulaha Dugsiga Sare Muntada C/rashiid SIciid Ducaale

Kuxigeenka Maamulaha Dugsiga Sare Muntada C/rashiid SIciid Ducaale

Ardeyda ka qalinjabisay Dugsiga sare ee Muntada ayuu kula dardaarmay in ay dhameeyeen marxaladii koowaad ee waxbarashda looga baahanyahay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.

Gudoomiyaha waxbarashda Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye oo xafladani ka hadalay ayaa sheegay in Dugsiga Muntada sanadkii tagay in uu kaalinta koowaad ka galay imtixaankii laga qaaday dugsiyada Sare ee Puntland.

Wuxuu xusay in  sanadkaan u rajeynayaan in ay natiijo fiican ka keeni doonaan Imtixaanka laga qaaday Sanadkaani.

Dr. Maxamuud Shiikh C/raxman Maxamuud Maamulihii ugu horeeyey Dugsiga Muntada oo ka soo qeybgalay Xaflada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xaflad sidaan oo kale ah uu kasoo  qeybgalo.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dr. Maxamuud Shiikh C/raxman Maxamuud Maamulihii ugu horeeyey Dugsiga Muntada

Dr. Maxamuud Shiikh C/raxman Maxamuud Maamulihii ugu horeeyey Dugsiga Muntada

Wuxuu ka sheekeeyey Marxaladihii kala duwanaa ee u soo maray Dugsigu,Isagoona sheegay in dhismaha iskuulka iyo ardaydu ay aad u yaraayeen  xiligii uu maalulaha ka ahaa balse maanta laga dareemayo isbadal weyn,taasina waxa ay ku timid buu yiri dadaalka ay sameeyeyn maamulayaashii isaga danbeeyey,waxa uu tilmaamay in ardaydii ka baxday Dugsigaan in ay jaqooyin sare ka hayaan jaamacadaha,Xarumaha Dowladda.

Shiikh C/qaadir Yaasiin Aw-Maxamed oo ah aasaasaha Dugsigaani ayaa sheegay in dugsigaan lagu yaqaano in uu hogaamiyo iskuulada ku yaalo magalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.wuxuuna la dardaarmay ardayda in ay muujiyaan kartida looga bartay kaalinta ay leeyihiin in ay qaataan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Shiikh C/qaadir Yaasiin Aw-Maxamed oo ah aasaasaha Dugsiga Muntada ayaa

Shiikh C/qaadir Yaasiin Aw-Maxamed oo ah aasaasaha Dugsiga Muntada ayaa

Waxaa sidoo kale ka hadalay Xafladaani Xildhibaan C/qaadir Siciid Caarshe (Xildhigaan Dhaqaaje),wuxuuna  ardadya u rajeeyey guul, kuna dhiiri galiyey in ay sii wadaan waxbarashada maadama ay ka baxeen marxaladii koowaad.

Ugu danbeyntii waxaa abaalmarino kala duwan la siiyey ardadya kaalmaha koowaad ka gashay fasalada uu  ka koobanyahay Dugsiga Sare ee Muntada,waxa ayna ku soo dhamaatay Jawi dagan oo ay ku qanceen dadkii ka soo qeybgalay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muntada (17)
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muntada (19)
Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC
Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC
Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC
Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC
Image may be NSFW.
Clik here to view.
SONY DSC
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muntada (12)
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muntada (15)

_______________

RBC Radio
Qardho/Karkaar

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Trending Articles