Qardho[RBC Radio] Kulan ballaaran oo UJeedadiisu ahaa Mahadcelin iyo Sagootin loogu sameynayey Dadkii ka qeybqaatay Aaska AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo maalinimadii Axada lagu aasay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Kulanka oo lagu qabtay Hotel Embeeye ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi,Kusimaha Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Dani,Xildhibaan Cabduqaadir Siciid Caarshe,Duqa Qardho Maxamed Siciid Ciise,Issimo,Culuma’udiin,Aqoonyahan,Haween iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Aaska Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse Col Yaasiin Cumar Dheere oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey hawshii qabanqaabada aaska Boqor Cabdullaahi,wuxuuna sheegay in aaska Boqor Cabdullaahi la isaga kala yimid dal iyo dibadba.
Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ahna duqa magaaladda Qardho Maxamed Siciid Ciise””Hoggaamo” oo ugu horeyn ka hadlay ayaa mahadcelin ballaaran u Jeediyey dhammaanba bulshadii kala duweyd ee ka qeybqaadatay aaska AUN Boqor Cabdullaahi.
….””Waxaan leeyahay cid kasta oo ka qeybqaadatay Ilaahay ha ugu daro Miisaanka xasanaadka,waxayna muujineysa haddii Ummadu ay wadajirto oo caqligooda,muruqooda iyo maskaxdooda ay meel u wada jeedaan wax kasta iney qabsan karaan ilaahayna ay tallo saarsadaaniin…. “””ayuu yiri Maxamed.
Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaan Cabduqaadir Siciid Caarshe oo kala matalayey Baarlamaanada Federaalka iyo Puntland oo hadalo kooban kasoo jeediyey kulanka ayaa isla qiray in AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse uu ahaa Boqor Soomaaliyeed.
Boqor Burhaan Boqor Muuse,kusimaha Boqorka Beelaha Daarood oo soo gunaanday kulanka Mahadcelinta iyo Sagootinta isugu jirey,wuxuu uga mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeybqaatay iyo kuwii u Tacsiyeeyey Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,wuxuuna si gaar ahaaneed u tilmaamay Dawladda Federaalka,Puntland,Dawlad-deegaanka Soomaalida,Issimada iyo guud ahaanba inta ka qeybqaadatay,wuxuuna EEBE uga baryey in Janadiisa ka waraabiyo Boqor Cabdullaahi.
Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo noqonaya Boqorkii 32-aad ee Daarood,waxaana maalinamadii Axada aas qaran loogu sameeyey magaaladda Qardho iyadoona ay ka qeybqaateen Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
_____________
RBC Radio
Qardho