Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Sh/dhexe oo xabbad joojin kala dhex dhigay beelo in muddo ah ku dagaalamayey gobolkaas

$
0
0

jowhar 2Jowhar(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku guuleystay inuu xabbad joojin kala dhex dhigo beelo in muddo ah ku dagaalamayey bariga magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaas,munaasab si weyn loo soo qaban qaabiyey oo ay heshiis ku kala saxiixdeen odayaasha dhaqanka ee beelaha walaalaha ah ee colaaddu u dhexeysay ayaa ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Gudoomiyaha demada Jowhar Maxamed Amiin ayaa sheegay in maamulkoodu uu ku guuleystay inuu xabbad joojin kala dhex dhigo beelahan walaalaha ah ee dagaalamayey muddooyinkii danbe oo dhan,wuxuuna tibnaaxay iney rajaynayaan in xabbad joojintani ay sii waarto isla markaane uusan dhicin dagaal dambe oo uu dhiig ku daato.

Cabdi Jiinow Calasow oo ah gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe oo isne madasha ka jeediyey hadal u badnaa duco ayaa u kula dardaarmay odayaasha labada dhinac ee colaaddu u dhaxaysay inaan dib loogu noqon dagaaladii iyo dilalkii foosha xumaa ee ku salaysnaa aanooyinka qabiil ee u dhxeyeeyey beelahan walaalaha ah.

Gudoomiyaha Shabeelaha dhexe ayaa tilmaamay in heshiisiinta labadn beelood loo soo huray waqti badan isla markaane dadaal fara badan lagu bixiyey sidii loo heshiisiin lahaa loona soo afjari lahaa colaadda beelahan walaalaha ah.

Gudoomiye Cabdi Jiinow Calasow ayaa ayaa alle uga baryey ineysan mar danbe dib usoo laaban colaadda uu dhiigga badan ku daatay  ee  dhexmartay  beelahan walaalaha ah,beelahan xabbad joojinta la kala dhex dhigay ayaa waxaa ay in muddo ah ku dagaalamayeen lahaanshaha dhul beereed ku yaalla gobolka Shabeelaha dhexe.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles