Muqdisho(RBC Radio) Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq Raashin ah gaarsiisay Maxaabiis Kun ka badan oo ku jira Xabsiga dhexe ee Xamar iyo ciidamada ka hawlgala Xabsiga,Madaxa Waaxda Gargaarka Hay’adda Hormuud Foundation C/llaahi Nuur oo saxaafadda kula hadlay xabsiga dhexe ayaa sheegay in deeqdan ay ka kooban tahay nuucyada kala gadisan ee Raashinka,wuxuuna sheegay iney ugu tala galeen iney Maxaabiista ku afuriyaan inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Madaxa waaxda Gargaarka Hay’adda Hormuud Foundation C/llaahi Nuur ayaa sheegay iney tallaabadani qayb ka tahay tallaabooyin ay ku gargaarayaan bulshada Soomaaliyeed ee tabaalaysan,wuxuuna tilmaamay iney mar walba u taagan yihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Jen. Xasan Xuseen ayaa oo deeqda ka gudoomay masuuliyiinta hay’adda Hormuud Foundation ayaa uga mahad celiyey deeqda raashinka ah ee ay maanta Xabsiga gaarsiiyeen,wuxuuna sheegay in deeqdan ay Afurin doonto inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan Kun iyo Boqol Maxbuus oo xabsiga ku xiran iyo ciidamada Xabsiga ilaaliya.
Jen. Xasan Xuseen ayaa alle uga baryey masuuliyiinta hay’adda Hormuud Foundation inuusan ka habaabin ajarka dadka ay Afurinayaan bisha Barakaysan ee Ramadaanka,wuxuuna xusay iney aad ugu farxeen markii ay deeqdani soo gaartay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho