Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamad kutala dalka Marakanka oo danbiyo kusoo ogtey burcad badeed Soomaali ah

$
0
0

burcad-badeed

Maxkamad kutaala dalka Maraykanka ayaa soo istaajisey si dacwada logu qaado saddex nin oo Soomaali ah kuwaaso lugu ee deenayo falal isugu jira dil iyo burcad badeednimo.

3-nin ee maxakamada ay eedenta usoo jeedisey ayaa lugu kala magaacaba Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar,waxana lasoo qabtey xili ay afdubteen dooni nooca lagu raaxeysto ah oo lugu magaacbi jirey (The Quest).

Doonida ay afduubten burcad badeeda ayaa waxaa sarna 4-dalxisayaal ah oo uu dhashey dalka Marakanka,waxana ay gacanta ku dhigeen burcad badeeda doontan bishii Feberaayo 2011 xiligaaso ay ka agdhawaayen xeebta Soomaaliya.

Burcad badeeda ayaa dishey dhamanba 4-dalxisayaal ee sarna doonidi dalxiska ee ay qabteen,waxana xiligaan lugu soo ogey inay dileen Jean Adam iyo Scott Adam oo ahaa mulkiilayaasha doontaasi iyo labo qof oo saaxiibadood ah oo lagu kala magacaabo Bob Riggle iyo Phyllis Macay.

Dacwadaha loo heysto burcad badeedan Soomaali ah ayaa gareya illaa 26 dacwadood oo 22 kamid ah dacwadahaasi lagu xukumi karo xukunka dilka, waxayna kooxda dhageysatay dacwadooda ay isku raaceen in raggan lagu helay danbiga lagu soo eedeeyey, kadib fadhigoodii maalinimadii Isniintii lasoo dhaafay.

 

Ninka lugu magacaabo Norfolk oo ah xaakimka maxakamada ayaa sheegey in dhamaadka bishan an ku dhex jirno uu ku dhawaaqi xukunada ay mutestaan raggani Soomaalida ah.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles