Malta[RBC Radio]Sidaa ay shaaciyeen ciidamada Jasiiradda Malta waxaa ay badbaadiyen duni yar oo sidey muhaajiriin Soomaali ah oo lugu sheegey inay garayeen illaa 62-ruux.
Dadka Soomaalida ah ee ay badbaadiyeen ciidamada Malta ayaa waxaa la caddeyey inay isugu jireen 13 dumar ah, oo labo ay yihiin gabdho da’ yar iyo 49 rag oo 24 ka mid ah ay yihiin wiilal da’ yar.
Tahribayaashan ayaa la sheegey inay kasoo tagen dalka Liibiya iyagoona halkaasi kasoo racey dooni yar oo ah kuwa ay ku safraan tahribayaasha kasoo taga Liibiya.
Ciidamadu waxaa ay sheegen inay saakey oroorti hore xili ay soo baxeysey qora ay indhihooda qabatey dooni yar oo nooca la buufiyo ah oo ku dul sabeenayasa badda,xili ay mareysey badda Mediterranean-ta meel 75 nautical miles u jirta koonfurta Malta,ciidamada ayaa intaa ku darey in badda Mediterranean-ta ay kusoo jiraan muhaajirin kusoo safraya doonyo kuwaaso xiligaan baaritano ay kuwadaan.
Dadka saarna doonta labadbaadiyey ayaa la sheegey inay ku jireen labo haween ah oo mid ka mid ah ay ku dhex umashey doonta halka mid kalana ay xaami lotahay,haweeneyda umushey ayaa loqadey cisbitaal jasiiradda Malta ku yaala si xaaladdeda caafimaad lo ogaado.
Arrintaan waxaa ay muujinaysa in wali aysan joogsan muhaajiriinti ku safri jirtey doonya qatarta ku ah naftooda,waxana la tilmaama in sanadwalba ay geryoodan boqolaal Soomaali ah kuwaaso ku safrayey badda Mediterranean-ta iyagoo radinaya nolal dhanta tii ay ku heysteen dalkooda.
RBC Radio