Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhalinyarada u dagaalama alshabaab iney joojiyaan dhibaatada ay shacabka ku hayaan inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan,R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa baaq u diray dhalinta dagaalama alshabaab ee la marin habaabiyey sida uu sheegay iney ka tanaasulaan dhibaatada ay shacabka ku hayaan mudada lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
“Kuwa Caadeystay dhibaateynta shacabka,dhiigga dadka Soomaaliyeedne ku daadiya sida xaq darrada ah waa iney ka tanaasulaan oo dib uga laabtaan dhibaateynta ummadda inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan”ayuu yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu yeeray dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalama alshabaab iney ka faa’iideystaan cafis ku aaddan fadliga bisha Barakaysan ee Ramadaan oo dowladdu ay u fidisay hadii ay kasoo laabtaan wadada khaldan ee ay hayaan sida uu sheegay.
R/wasaare Saacid ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo dhaweyneyso cid walba oo kasoo laabatay kana tanaasushay fikirka gurracan ee alshabaab una soo laabata bulshadooda.
R/wasaaraha ayaa dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilasha Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Maanta ay dadka Soomaaliyeed Sooman yihiin Maalintii Koowaad ,wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iney u naxariistaan bulshada Soomaaliyeed isla markaane ay u tartamaan caawinta dadka danta yar.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho