Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay iney Soomaaliya ka dhisayso Xabsi iyo Maxkamad qaadda dacwada dadka loo haysto Burcadbeednimda iyo argagixisanimada

$
0
0

London(RBC Radio) Dowlada dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday iney  14 Milyan  ay ku bixinayso  dhismaha Xabsi iyo maxakamad   ay ka hirgalinayso gudaha dalka Soomaaliya si looga hortago  waxa ay dowladda Ingiriisku ugu yeertay kooxaha Argagixisada iyo Burcadbadeeda  kasoo ifbaxay dalka Soomaaliya.

Xog-hayaha horumarinta caalamka ee dowladda Ingiriiska Justline Greening  ayaa sheegtey in hadafkoodi uu yahay in la helo nidaam sahlaya qaadista dacwadaha kooxaha burcada badeeda Soomaalidaa iyo dadka loo haysto falalka argigixsanimada, sida ay daabacday Jariirada The Sandy ee kasoo baxda dalkaas.

Justline Greening  oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “waxaan doonaya dib u dayactirka xabsiga dhexe ee Muqdisho oo 180 sano jirsaday taasina waxaa ay sahlaysaa in dad badan oo ku jira xabsiyada dalka Ingiriiska kiisaskooda ama qaadista dacwadahooda loo soo weeciyo Soomaaliya”

Ingiriiska ayaa uga gol leh dhisida xabsiga in Maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraya 4 boqol oo Maxbuus oo ku jira xabsiyada caalamka kuwaas oo loo haysto falal la xiriira argagixisanimo iyo burcadbadeednimo,xukuumadda London ayaa ballan qaaday in Maxaabiista Soomaaliyeed marka lagu soo celiyo gudaha Soomaaliya ay helaan Maxkamado caddaalad ah iyo xabsi lagu hayo marka la xukumo.

 

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles