Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20175

Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyey in amniga Muqdisho uu yahay mid aan la isku halayn karin

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo xilli ay maalmihii danbe soo badanayeen eedaha loo jeedinayo laamaha amniga dowladda Soomaaliya kuwaas oo lagu dhaliilay iney ka gaabiyeen xaqiijinta nabadgalyada caasimadda Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Warsamae Maxamed Xasan Warsame Joodax oo waraysi siinayey Raadiyaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid sugan,wuxuuna tilmaamay iney been abuur yihiin wararka sheegaya inaan la isku halayn karin amniga Caasimadda Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ineysan gacanta ku hayn ciidamada dowladda Soomaaliya”Muqdisho dowladda ayaa gacanta ku haysa goob walba oo magaalada ka mid ah waxaa ku sugan ciidamada dowladda,waa suurta gal in dad maalintii ummadda u eg ay habeenkii dhibaato fuliyaan dadkane ay cabsi galiyaan,taasine maaha iney magaalada qaybo ka joogaan” ayuu yiri Warsame Joodax.

Warsame Joodax ayaa hoosta ka xariiqay in nabadgalyada magaalada Muqdisho ay tahay mid  ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,wuxuuna qiray iney jiraan dad magaalada amni darro ka wada,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney dadaal ugu jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabadgalyada caasimadda Muqdisho.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdiho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20175

Trending Articles