Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa si kulul u weeraray Diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay iney yihiin Qaraab aysan habooneen in la isku aamino isla markaane halis galinaya ciddii raacda.
Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa daba socda kadib markii dhawaan uu madaxweyne Xasan SH iyo wafti uu hogaaminayey oo kusii jeeday magaalada Jubada ee dalka Koonfurta Suudaan ay ka badbaadeen shil Diyaaradeed,waftiga madaxweynaha ayaa waxaa loo sheegay markii ay diyaaraddu in muddo ah hawada ku jirtay in mid kamid ah Matoorada diyaaraddu uusan gabi ahaanba shaqayneen taasoo keentay in diyaaraddii ay si halhaleel ah u soo caga dhigato garooka Aadan Cadde ee Muqdisho iyada oo xiliga ay soo dagaysa ay Banjar noqdeen Taayirada(lugaha) diyaaradda arinkaas oo abuuray shaki iyo walaac badan oo ku aaddan tayada diyaaradaha ay raacayaan madaxda iyo shacabkuba.
Maxamuud Axmednuur Tarsan ayaa sheegay in diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya iney yihiin kuwo kasoo cilladoobay dalalka caalamka oo aan la adeegsan karin,wuxuuna tilmaamay inaan la aqbali karin in dalka loo soo raro isla markaane ay dad ka ganacsadaan arintaas oo khatar ku ah amniga iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo madaxdeeda.
“Ma waxaan sugnaa marka ay Musiibo dhacdo oo diyaarad qaraab ahi ay la qaraxdo madaxda dalka,wasaaradda ku shaqada leh waa iney Koontarooshaa tayada diyaaradaha dalka ka shaqeeya,hadii kale iyaga ayaa qaadi doona masuuliyadda dhibaatadii ay geystaan” ayuu yiri gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho