Muqdisho(RBC Radio) Roobab Lixaad leh oo si xiriir ah 24kii saac ee u danbeeyey uga da’ayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo deegaanada ku teedsan ayaa saamayn ballaaran ku yeeshay kumanaan Qoys oo ku jira xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.
Barakacayaasha ayaa ka cabanaya dhibaatada kasoo gaartay Roobabka,Guryaha ka samaysayn Cooshadaha iyo Bacaha ee ay dadkani Hoyga ka dhigtaan ayaan awood u lahayn iney ka celiyaan dhibicda iyo dhaxanta roobka,qaar badan oo ka mid ah qoysaskan ayaa aqaladooda oo markii horaba aan awood u lahayn iney roobka ka difaacaan waxaa qaaday Daadadka ka dhashay roobabka da’aya.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney ilaa xalay gurmad aan kala joogsi lahayn u fidinayaan Barakacayaasha ay saamaynta ku yeesheen Roobabka da’aya afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay hawlgalisay shaqaalaha iyo gaadiidka gurmadka deg degga ee gobolka.
Wuxuuna tilmaamay iney gaareen xeryaha barakacayaasha halkaas oo ay ka qaadeen dad u badnaa haween iyo Carruur dhibaato ay kasoo gaartay Roobabka kuwaas oo uu sheegay iney gaarsiiyeen Cisbitaalada magaalada Muqdisho oo xiligan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cismaan ayaa qiray iney dhibaato ba’an haysato barakacayaasha wuxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uusan u qaban karin barakacayaasha iney goobaha caafimaadka dadka gaarsiiyaan,wuxuuna ka codsaday dowladda Soomaaliya iney si dhaqso ah uga jawaabto dhibaatada haysata barakacayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho iyo duleedyadeeda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho