Muqdisho(RBC Radio) Gudmooyimaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr Xaashi Cilmi Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay eedo loosoo jeediyey maxkamadda gobolka iyo shakhsi ahaaniisa taasoo la xiriirta in gudoomiyaha maxkamaddu uu Marxuum la dilay Diyadiisa ku xukmiyey 2 Milyan oo shilin Soomaali ah.
Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in maxkamadda laga been abuuray,wuxuuna si faah faahsan uga hadlay arinta muranka badan dhalisay ee la xiriirta xukunka ay maxkamaddu ku riday gacan ku dhiigle dil geystay”waa sax inaan danbiilaha ku xukumay 2 Milyan oo shilin Soomaali ah iyo 6 bilood oo xarig ah ,balse 2da Milyan waa tacsiir ee maaha diyadii marxuumka la dilay,Maxkamaddu waxay u xukmisay ehelada qoyskii Marxuumka diyo Boqol halaad ah sida ay diintu qabto” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuuur.
Gudoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid si khaldan loo turjumay,wuxuuna wariyaasha tusay waraaqo qoraal ah oo loo ekeysiiyey kuwo kasoo baxay maxkamadda oo si cad xaqiisa u duudsiinaya Marxuumka la dilay,wuxuuna abaabulka iyo faah faafinta arintaas ku eedeeyey dad doonaya iney meel kaga dhacaan sharafka maxkamadda.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan fagaaraha dal jirka dahsoon kula hadlayey kumanaan ruux oo bannaanbax dhigayey ayaa eed kulul dusha uga tuuray maxkamadda gobolka Banaadir,Tarsan ayaa sheegay in maxkamaddu aysan u Caddaalad falin bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna soo hadal qaaday xukunkan ah in maxkamaddu ay qof dhan diyadiisu ku xukmisay 2 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah oo qiyaastii dhan 120$ doolar.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho