Baay(RBC Radio) Dowladda iyo alshabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal ku dhexmaray deegaanka Awdiinle ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay Col. Xasan Baydhabo ayaa sheegay iney khasaaro fara badan alshabaab ku gaarsiiyeen dagaalka ka dhacay deegaanka Awdiinle.
Taliyaha ayaa sheegay in koox ka tirsan alshabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Awdiinle,wuxuuna tilmaamay in dagaalkaas uu dhankooda kaga geeriyooday 1 askari,wuxuuna sheegay iney dhanka alshabaab ka dileen 3 askari oo qaarkood ay horjoogayaal ahaayeen,wuxuuna intaa ku daray iney kala Cayriyeen isla markaane ay firxadkooda ku raad joogaan.
Dhanka kale afhayeenka dhanka hawlgallada ururka alshabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ku hadasha afka slahabaab ayaa sheegay in ciidanka alshabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo uu sheegay iney dhac iyo dhibaato ku hayey dadka deegaanka Awdiinle.
Abu Muscab ayaa sheegay iney dagaal muddo socda halkaa kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya,wuxuuna xusay iney dhibaato ba’an ku gaarsiiyeen dagaalkaas,C/casiis Abu Muscab ayaa sheegtay iney dagaalkaas ku dileen 5 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wuxuuna sidoo kale soo hadal qaaday dagaalo ay alshabaabka ka fuliyeen gobolada Jubada hoose iyo Shabeelaha hoose,wuxuuna ka dhawaajiyey iney dagaaladaas khasaaro fara badan ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee isgarabsanaya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho