Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Puntland C/Rashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Casumaad uu ka helay Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasi oo ku saabsan in Labada dhinac ay isla eegaan Dastuurka Dalka iyo hadal heynta ku aadan in wax ka badal lagu sameeyey Dastuurka iyo sidii looga wada hadli lahaa arimo badan oo quseeya dastuurka qabyada ah ee Dalka Soomaliya.
“Gudoomiye Jawaari ayaa Casumaad ii fidiyay wuxuuna iga dalbaday inaan 30ka bisha qudbad la xiriirta waxa aan ka aaminsannahay Federaaliisimka iyo Arimaha Dastuurka Puntland ahaan kasoo jeediyo Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xirmaya waxaana rajeynayaa dhawaan in aniga iyo wafdi aan hogaaminayo u ambabaxno Magaalada Muqdisho sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/Rashiid Maxamed Xirsi.
Arintan waxay kusoo beegmeysaa iyadoo ismaan dhaafka Dowlada Soomaliya iyo Puntland ay cirka ku shareeran tahay sababo la xiriira Arimaha Federaaliisimka iyo Wax ka badalka Dastuurka Dalka oo leysku qabtay iyadoo aan la ogayn kulankan in uu dhayi doono Boogtii u dhexeesay 2da dhinac.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.