Muqdisho(RBC Radio) Shil ka duwan shilalkii hore loo arki jiray ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,shilkan ayey dad badani si aad ah ula yaabeen , Gaari Nuuca Xamuulka qaada ah oo siday Saliid ka badan Tankiisa kana soo qaaday dekedda Muqdisho ayaa xilli uu kusii jeeday Suuqa Weyn ee bakaaraha waxaa qabsatay dhacdo yaab leh.
Sida caadiga ah Gaadiidka marka ay shilka galaan ama ay Rogmadaan waxaa dhacda iney Dhinac u dhacaan ama ay qaybta hoose sara marto,balse gaariga oo Nuuciisu ahaa FIAT NC kana mid ah gaadiidka Duqoobay ee Xamuulka Dekedda ka keena ayaa isaga oo isku dayaya inuu fuulo Dalcad ayaa waxaa dhacday in labad Lugood ee hore uu dhulka ka qaado.
Gaariga oo ku taagan labada lugood ee danbe halka Labada lugood ee horane ay dhulka ka qaadmeen isla markaane ay kor u taagan yihiin sida aad sawirka ku arki doontaan,Shilkan ayaan geysan wax khasaaro nafeed ah marka laga reebo waxyeelo aan badneen oo gaartay rarkii uu siday.
Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa hore go’aanno uga soo saaray Gaadiidka qaada rar ka badan Tankooda,taliyaha ciidanka Taraafikada Cali Xirsi Barre ayaa wacad ku maray iney la xisaabtami doonaan Gaariguu lagu qabto isaga oo sida Rar ka badan Tankiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho