Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa Warbaahinta u sheegay in xarunta Boostada dalka si rasmi ah dib loogu furi doono 26ka bishan Juun,wuxuuna tilmaamay in wixii ka danbeeya xiligaas ay bulshada Soomaaliyeed si toos ah u heli doonaan adeegga Boostada.
Wasiirka ayaa sheegay iney dadaal fara badan u galeen dib u hawlgalinta Boostada dalka,wuxuuna tibaaxay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay iney dib usoo noolayso adeegyada dowliga ah ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale Kormeeray xarumo dhowr ah oo hoos yimaadda wasaaradda uu masuulka ka yahay.
Wasaaradda ayaa soo hoysay guulo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyey dowladda Soomaaliya iyo dib u hawlgalinta Boostada dalka oo aan shaqayn 22kii sano ee dalku uu burbursanaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho