Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio) Gudiga qaran ee dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay xuska maalmaha Xoriyadda dalka ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney ka wada qayb qaataan weynaynta maalmaha Xoriyadda Soomaaliya,gudoomiyaha gudiga qaran ee xuska maalmahaas C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo maanta shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa ku booriyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo maamulada dalka ka jiray iney ka qayb qaataan xuska maalmaha xoriyadda dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in kulamo isdaba joog ah oo gudigu uu yeelanayey ay ahayd muhiimadda looga arinsanayey sidii shacabka Soomaaliyeed loogu boorin lahaa inaan loo kala harin xuska maalmaha 26ka Juun iyo 1da Luuyo oo ay inaga xigaan maalmo kooban.
“Waxaan isla garanay iney munaasabaduhu noqdaan 2 qaybood oo kala ah kuwao xili habeenkii ah qabsoomi doona,oo iskugu jiri doona calan saarka,Ruwaayado iyo Fantasye weyn oo la qaban doono maalinta1da Luulyo taasoo ay ka qaybgali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed isla markaane tafaasiisheeda dib laga soo sheegi doono” ayuu yiri gudoomiyaha gudiga xuska maalmaha xoriyadda.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan maamulada dalka ka jira iyo qof walba oo mawaadin Soomaaliyeed ah uu xil weyni ka saaran yahay xuska iyo weynaynta maalmaha xoriyadda dalka ee 26ka Juun ooku beegnayd markii ay gobolada waqooyi ee Soomaaliya ka xoroobeen Gumeystihii Ingiriiska iyo 1da Luulyo oo ah markii ay gobolada Koonfureed ka xoreebeen gumeystihii Talyaaniga iyo Israacii Waqooyi iyo Koonfur oo ku beegneed sanadkii 1960kii oo ay kasoo wareegtay 53 sano.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho