Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka wasaaradda Khayraadka dalka ayaa maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya horgeeyey hindise sharciyeedka Kalluumaysiga dalka,kulanka golaha oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa xaadir ahaa 142 xildhibaan.
Ajandayaasha shirka ayaa ahaa 2 qaybood midka koowaad ayaa ahaa soo jeedin gudoonka golaha baarlamaanka,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mudanayaasha u gudbiyey qodobo kala ahaa in dalka laga hirgaliyo Axsaab Siyaasadeed,wuxuuna u sharaxay mudanayaasha ahmiyadda ay leedahay in dalku uu yeesho xisbiyo badan,wuxuuna shaaca ka qaaday in arintaasi ay sahleyso in ummaddu ay hesho hogaamiyaal wanaagsan oo ay iyagu soo doorteen,halka uu tilmaamay in 20kii sano ee u danbeeyey ay hogaamiyaashu ku imaan jireen qori caaradiis si toos ah iyo si dadbanba.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale golaha hordhigay soo jeedin ku aaddaneed sida ugu habboon ee xal waara loogu heli karo barakacayaasha faraha badan ee ku barakacay gudaha dalka kuwaas oo ay haystaan dhibaatooyin aan lasoo koobi karin.
Intaa kadib ayaa waxaa loo gudbay ajandaha 2aad oo ahaa in mudanayaasha laga hor akhriyo hindise sharciyeedka Kalluumaysiga dalka,wasiirka Khayraadka xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa mudanayaasha baarlamaanka u sharaxay ahmiyadda uu leeyahay sharcigan.
Wuxuuna tilmaamay in baahida keentay sharciga ay tahay horumarinta Kalluumaysiga dalka, ka faa’iideysiga Khayraadka badda ee dalka iyo badbaadinta deegaanka oo marti u noqday in Dalal shisheeye ay kusoo daadiyaan haraadiga hubka Nugleerka,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in hadii sharciga la meelmariyo uu horseedi doono iney shaqooyin helaan dad badan oo Soomaaliya isla markaane uu dakhli badan kasoo gali doono dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho