Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo baaq u diray beelo ku dagaalamay Gobolka Bari.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Puntland C/Rashiid Maxamed Xirsi ayaa   Baaq  u  diray Beelaha ku dagaalamaya inta u dhaxeysa Gobolada Bari iyo Karkaar isagoo ka codsaday in ay joojiyaan Dagaalka kuna bedelaan wada hadal iyo is afgarad maadaama Coolaada 2daas beel u dhaxeysa ay mudo soo jiitameesay isagoo ku hadlayay afka Golaha Wakiilada Puntland.

 

“Golaha Wakiilada Puntland Maanta oo Taariikhdu tahay 22-6-03  waxay isku raaceen in la joojiyo si shuruud la’aan ah Dagaalka kasoo Cusboonaaday deegaanka Rako iyo tuulooyinka ka agdhaw ee Gobolada Bari iyo Karkaar  Dagaal la galaa walaahi Wanaag ma dhalo cidna faa’iido uma keeno qasaaro mooyaane ee Rag baa inta leysaga dhameeyo Nabad la’aanah la noqdo baa hadhow goor marxaladu meel xun gaadhay gar aan waxba tarin loo fariistaa, waxaan ka codsaneynaa walaalaha Dagaalamaya in ay dagaalada Joojiyaan markale ayaan ku celinayaa dhiig yaan la daadin.

 

Gudoomiyaha wuxuu soo hadalqaaday kaalinta Dowlada Puntland looga baahan yahay in ay ka qaadato dagaalada soo cusboonaaday wuxuuna sheegay in Xukuumada Puntland looga fadhiyo in ay arintan dhex dhexaadin ka gasho sida kal hore ay u kala dhex gali jirtay 2dan Beel inteysan arintu sida ay hada tahay kasii qaraaraan, wuxuu sidoo kale Gudoomiyuhu ka codsaday Isimada Nabadoonada iyo Haweenka Puntland in Arintan ay soo farageliyaan kaalintoodana ka qaataan si Colaada loo qaboojiyo ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.

 

Beelahan markale dagaala qabaa’ileedku ka dhex bilawdey ayaa sanadii 2012kii dib u heshiisiin loogu sameeyey Magaalada Garoowe waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Puntland waxayna Afar Maalin kahor hadana isku fara saareen deegaano hoostaga Gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles