Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jowhar(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaas ayaa magaalada Jowhar ee xarunta Shabeeaha dhexe ku yeeshay shir ay uga arinsanayeen ayaaha gobolakaas,shirka ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabihii looga wada hadlay sugida amniga gobolkaas,dardar galinta xoreynta deegaanada ku haray gacanta alshabaab iyo dhamaystirka dib u heshiisiinta beelaha ku wada dhaqan gobolkaas ee ay xurguftu u dhaxayso.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Cirro oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney kulankooda uga wada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa nabadgalyada magaalada Jowhar iyo degmooyinka kale ee gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.
Wuxuuna intaa ku daray in la isla gartay in si deg deg ah loogu diyaar garoobe sidii alshabaab looga looga saari lahaa degmooyinka iyo deegaanada ka tirsan Shabeelaha dhexe eeya wali ka ariminayaan si loo gaarsiiyo adeegyada bulshada isla markaane shacabka ku dhaqan deegaanadaas ay fursad ugu helaan in la gaarsiiyo gargaarka hay’adaha caalamiga ah oo aan xiligan tagi karin goobahaas kadib markii alshabaab ay hore uga mamnuuceen.
Daa’uud Xaaji Cirro afhayeenka maamulka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay iney go’aamiyeen in maamulka,shacabka iyo ciidamadu ay iska kaashadaan horumarinta gobolka iyo sugidda amnigiisa,wuxuuna xusay in kulanka si weyn looga wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadka ka dhexjira beelaha qaar ee gobolkaas,isla mar ahaantaane wax walba wada hadal iyo waan-waan loogu dhamayn lahaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho