Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Shirkii dib u habaynta waxbarashada dalka oo maanta maalintii 2aad galay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) shirkii dib u habaynta waxbarashada dalka ayaa maanta maalintii 2aad galay,shirka oo ay ka qaybgalayaan aqoonyahanno Soomaaliyeed,ergooyin ka kala yimi gobolada dalka,saraakiil ka socota hay’adaha waxbarashada Qaramada Midoobay iyo masuuliyiinta wasaaradda adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa shalay xariga ka jaray R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Shirka ayaa ajandaha maanta horyaalla waxa uu yahay iney ergada ka qaybgalaysa  shirka ay ka doodaan sidii loo Nidaamin lahaa waxbarshada dalka oo aan xiligan lahayn Manjah mideysan iyo nidaam haga,Ergooyinka ayaa talooyinkooda ku saabsan sidii loo didaamin lahaa Waxbarashada dalka ka jeedin doona shirka.

Wasiirka adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya Maryam Qaasim oo wasaaradda ay masuulka ka tahay ay soo qaban qaabisay shirkan ayaa xafladui furitaanka ee shalay ka sheegtay in Soomaalida loo baahan yahay iney meel iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed isla markaane ay hal meel uga soo wada jeestaan sidii ubadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayeysan oo la mid ah midd ay haystaan ilama asaagooda ee ku nool adduunka.

“Waxaan rabaa afkaartiina inaad isu wada keentaan khilaafaadkiina aad ilowdaan, mustaqbalka ilmaha Soomaaliyeed inaan u midowno, Soomaaliyeey wax kasta oo aan isku heysanay xagga iska dhiga, waxaan rabnaa in caruurta Soomaaliyeed wax la qeybsadaan caruurta kale ee ku nool wadamada caalamka” sidaasi waxaa tiri Maryam Qaasim wasiirka adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya.

Shirka oo socon doona sida uu qorshuhu yahay muddo 3 cisho ah ayaa waxaa lagu wadaa iney kasoo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa waxbarashada dalka Soomaaliya,tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaan dalka ka jirin,Manhaj waxbarasho oo mideysan.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles