Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyey iney qaadayaan Tallaabo kama danbays ah oo ay ku xaqijinayaan sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed (Joodax) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku hawlan yahay qorshe kama danbeys ah oo la doonayo in lagu hanto sugida amniga caasimadda Muqdisho
Gudoomiye ku xigeeka gobolka Banaadir Warsame Joodax ayaa shaaca ka qaaday inaan loo sii dul qaadan doonin falalka amni xumo ee xiliyada qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Wuxuuna tilmaamay in xiligan ay socdaan qorshayaal laga soo shaqeeyey kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabaka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay iska kaashanayaan qorshahan cusub ee uu sheegay in lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in gacan bir ah lagu qaban doono kuwa caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,Isagoona xusay iney ku tala jiraan in waqtiga dhow uu amniga Muqdisho noqdo mid sugan oo bulshada ku dhaqani aysan dareemin wax Wel-wel ah.
Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo fariisin u ah masuuliyiinta iyo dhammaan hay’adaha dowladda ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga,laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celceliyey iney xaqiijin doonaan nabadgalyada Muqdisho
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho