Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay iney waddo qorshe ay ku qabanqaabineyso shir weyne looga wada tashanayo xasilinta dalka Soomaaliya,wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku guda jirto qabanqaabada shir weyne looga tashan doono xasilinta wadanka.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas lagu lafa guri doono sidii loo sugi lahaa amniga dalka oo ay xiligan ka jiraan falal liddi ku ah amniga iyo dagaalo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Ethiopia iyo dhaqdhaqaaqa alshabaab ee dagaalka kula jira dowladda.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku booriyey waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iney kaalin weyn ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa amniga dalka isla markaane loo xasilin lahaa guud ahaan gobolada dalka,wasiirka ayaa ugu yeeray odayaasha dhaqanka iney kaalinta ugu weyn ka qaataan soo celinta nabaddii dalka.
Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in shir weynaya xasilinta dalka uu yahay mid la doonayo in bulshadu ay ka arinsato sidii loo sugi lahaa amniga dalka.
Wuxuuna intaa ku daray in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay iney talada iyo aaya ka talinta dalka ay dib ugu celineyso odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo iyagu soo dhisay baarlamaanka ferealka Soomaaliya,wuxuuna ku celceliyey ahmiyadda uu leeyahay qorshaha xasilinta dalka ee ay wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka hor kacayso.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho