Baydhabo(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada amniga gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyey baaritaano ay ku xaqiijinayaan amniga oo ay maalmihii danbe ka wadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,taliyaha ciidamada booliska gobolkaas Mahad C/raxmaan ayaa tafaasiil ka bixiyey hawlgallo ay maalmihii danbe ka wadeen xaafadaha magaalada Baydhabo.
Taliye Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in hawlgalladaas ay qayb ka ahaayeen sugida amniga magaalada,wuxuuna tilmaamay in hawlgalladaas ay kusoo qabqabteen 150 ruux oo alshabaab ah sida uu sheegay kuwaas oo ku lug lahaa falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Baydhabo.
Taliyaha ayaa wacad ku maray iney alshabaab ka tirtirayaan guud ahaan gobolka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaas,wuxuuna intaa ku daray iney ku hawlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa nabadgalyada magaaladaas.
Mahad C/raxmaan taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay ayaa intaa raaciyey in alshabaab ay ku dhexnool yihiin dadka shacabka ah isla markaane aysan sahlaneen sidii loo cirib tiri lahaa balse,waxa uu xusay ineysan ka daaali doonin iney alshabaab ka sifeeyaan xarunta gobolka Baay ee Baydhabo.
Wuxuuna tibaaxay iney hubaal tahay in alshabaab ay u jabeen milateri ahaan iyo Niyad ahaanba,waxa kaliya ee ay xiligan samayn karaane ay yihiin weeraro gaadmo ah oo ay ku dhibaateynayaan shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho