Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Ciidamada dowladda oo saaka hawlgallo ka wada degmada Xamar Weyne

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda dowladda Soomaaliya ayaa hawlgallo ballaaran ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir,Ciidamada ayaa gabi ahaanba xiray isu socodka dadka gaadiid iyo ganacsigii demada Xamar Weyne,waxaana la arkayaa ciidamada oo wadooyinka Tuban isla markaane gudaha u galaya xaafadaha degmadaas.

Ciidanka hawlgalka wada ayaa guri guri u galaya xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho,hawlgalka saaka ka socda Xamar Weyne ayaa waxaa lagu qabqabtay dad fara badan oo ciidamadu ay kasoo qabteen guryahooda.

Waxaana saaka gabi ahaanba xiran Suuqa Weyn ee degmada Xamar Weyne oo ka mid ah Suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,dadkii ku ganacsan jiray Suuqa iyo kuwii usoo dukaameysan jiray ayaa saaka loo diiday iney gudaha u galaan Suuqaas.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo is daba joog ah oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan degmooyinka ay ka kooban magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,masuuliyiinta dowlada ayaa hore u sheegay in hawlgalladan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Trending Articles