Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19627

Wasiirka arimaha gudaha & amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan kula qaatay qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa odayaasha kala hadlay sidii ay dowladda iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay u yeelan lahaayeen wada shaqan joogto ah,odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda usoo jeediyey dhaliil ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay wada shaqayn ay la yeelato odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya  ayaa qaatay dhaliisay ay usoo jeediyeen waxgaradka Soomaaliyeed,Mr Guuleed  ayaa ka raali galiyey in masuuliyiinta dowladdu ay ka mashquulaan wada shaqayntii ay la yeelan lahaayeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee aasaaska  u ahaa dowladda federaalka ee  xiligan dalka ka jirta.

Wasiirka ayaa ugu yeeray waxgaradka beelaha Soomaaliyeed iney qaataan kaalinta uga aaddan xasilinta dalka iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday iney qayb ka qaataan dhisida maamulada degmooyinka iyo gobolada oo xiligan  sharciga lagu dhisayo uu horyaallo mudanayaasha baarlamaanka  Soomaaliya si ay u meel mariyaan.

Wasiirka ayaa  ku booriyey odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed  iney gacan weyn ka geystaan shirka lagu heshiisiinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan gobolada Jubooyinka kaasoo ay dowladdu ku baaqday,shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Odayaashii kulanka la qaatay wasiirka ayaa dhankooda ballan qaaday iney diyaar u yihiin la shaqaynta dowladda,waxayna hoosta ka xariiqeen iney qaadan doonaan kaalinta uga aaddan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19627

Trending Articles