Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19637

Beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil Oo Shir Heshisiin ah Uu uga Furmay Magaaladda Boosaaso [VIDEO+SAWIRO]

$
0
0

 

Qaar kamid ah Beelaha Heshiisku u furmay

Boosaaso[RBC Radio] Beelaha Cali Saleeban iyo Cali Jibraahil ee Majeerteen ayaa shir ballaaran oo lagu Heshisiinayo uu uga furmay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shirka heshisiinta labadda Beelood ayaa waxaa kazoo qeybgalay Wasiir Kuxigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan,Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan iyo Waxgarada kala matalaayey labadda dhinac.

Beeldaaje Cali Faarax

Beeldaaje Cali Faarax oo ugu horeyn hadalo kooban kazoo Jeediyey Shirka ayaa labadda Beelood ee Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil kula dardaarmay in si Nabdoon ku xaliyaan khilaafkooda taasina lagu gaari karo Nabad iyo Barwaaqo.

Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi oo isna kamid ah Issimada Puntland oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in xal mideysan la gaaro arrinta labada beelood.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar ula yihiin labada dhinac iney ka gacan siiyaan xal kasta oo lagu dhameyanayo khilaafka laguna raadinayo nabad.

Guddoomiye Kuxigeenka degmada Boosaaso Siciid Cabdirixmaan ayaa tilmamay in wax lagu farxo ay tahay in shirkan la isugu Yimaado isla markaana uu filayo in xal laga gaaro khilaafka taagan,wuxuuna sheegay in xurgufta labada dhinac ay saameyn weyn reebtay.

Guddoomiye Kuxigeenka degmada Boosaaso Siciid Cabdirixmaan

Wasiir Kuxigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil ayaa sheegay in dawladda Puntland soo dhaweyneyso xal u helida khilaafka labada beelood isla markaana ay ku dhiiri-gelinayso iney nabada kawada shaqeeyaan.

Wasiir Kuxigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil

Gogosha Nabadeed ee laga furay Hotel Jubba ayaa waxaa fidisay Beesha Cali Jibraahil,waxaana loogu magacdaray Ardaaga Nabadda iyo Wadatashiga,waxaana la filayaa mudada uu shirku socdo in qodobo wax ku ool ah ay kazoo baxaan.

 

________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19637

Trending Articles