Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Muqdisho: Hay’adda Hormuud Foundation oo Shaqo abuuris u samaysay dad Naafo ah

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Xaflad maanta ka dhacday xarunta Iskuulka Degmada Xamar Jajajb ee gobolka Banaadir ayaa waxaa shaqo abuur loogu sameeyey dad Naafo ah,Mashruuca shaqo abuurista ah ayaa waxaa hirgaliyey hay’adda  Hormuud Foundation,waxaana Mashruucan ka faa’iideystay 20 ruux oo Curyaamiin ah kuwaas oo loo abuuray shaqooyin ay kasoo saartaan nolol maalmeedkooda.

Madaxa Hay’adda Hormuud Foundation Cabbaas Cismaan oo goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Mashruucan shaqo abuurka ay ay ugu tala galeen iney uga faa’iideeyaan 20 ruux oo ka mid ah dadka Naafadaha kuwaas ay hay’addu maanta gudoonsiisay Sanduuqyada ay adeegsadaan Sariflayaasha iyadoo qofkiiba la siiyey 5 boqol oo doolarka Maraykanka ah oo uu ku bilaabo ganacsiga,wuxuuna tilmaamay in dadkan ay soo qaateen tababar ku saabsan sida loogu shaqeeyo xirfadda Sariflanimada.

Madaxa hay’adda Hormuud Foundation ayaa ka waramay sida ay kusoo xusheen 20-kan ruux ee ay maanta shaqo abuurka u sameeyeen,”waxaan soo xulanay dadkii ay ka go’need iney shaqaystaan,waxaan soo xulanay intii hamiga u haysay iney shaqaystaan,waxaanune ka saxeexnay Fayl ay buuxiyeen kaasoo shuruud lagula galay iney run ka tahay iney shaqaysanayaan” ayuu yri madaxa hay’adda Hormuud Foundation.

Sheekh Cumar Salaad oo isne ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Hormuud Foundation oo  madasha ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ka go’an tahay u gargaaridda iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed intooda liidata,wuxuuna ugu baaqay dadka kale ee hantida haysta iney wax u qabtaan ummaddooda dhibaataysan.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Trending Articles