Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Maxamuud Culusoow oo weeraray Faroole iyo Feysal Rooble oo Difaacay Faroole (Dhageyso)

$
0
0

Weydiiyaha Suaasha ku saabsaneyd dastuurka

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Ama Halkaan ka Dhageyso

RBC Radio (Minneapolis) Kulanka Fagaaraha ee ku qabsoomay magaalada Minneapolis oo ahaa kiisii 6aad ee uu isku soo duba riday u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada Sadik Warfa ayaa waxaa suaalo ayaa gabagabadii shacabkii kasoo qeybgashay  qubaradii halkaas ku martiqaadneyd oo kala ahaa Maxamuud Culusoow, Feysal Rooble, iyo Cali Fiqi.

Suaalihii Halkaas la iska weydiiyey ayaa mid  kamid ah waxaa weydiiyey

Suaasheyda waxa ay ku socotaa Culusoow waxaa tiri dastuurka ma qabo wax la yiraahdo fedraaliisim dastuurkana waa uu qoran yahay waana la hayaa Minneapolis baa naloogu keenay UN kana marqaati buu ka ahaa dadkii saxiixayna waa ay ka ahdleen ma kii uu madaxweyne Faroole ee uu sheegayey wax baa laga badalay baad ka hadleysaa mise kii dhabta ahaa baa dhaheysa ma uu qabo fedraaliisimka?

Maxamuud Culusoow

Maxamuud Culusoow

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Ama Halkaan ka Dhageyso 

Aniga waxaan ka hadlaayaa kii dhabta ahaa Maxamuud Culusoow oo ay UN tu saxiixday runtii waxaan leeyahay Madaxweyne Faroole hada ma aheyn mana ku fiicneyn in uu yiraahdo waxbaa Dastuur laga badalay waa isagu shaqo ahaa maalintii uu ka gudbay saxiixayaasha lixda ahaa sharciyan u dhamaatay in uu wax faragalin ku leeyahay. Dastuurka sharci ahaantiisa waxaa iska lahaa 825 qofood ….. Faroole, Caalin, Shariif Xassan, SH Shariif iyo C/Wali midkoodna waxba kuma laha hadal maantana uma furna in ay ka doodaan arintaas waxaan is leeyahay in ay tahay xadgudub.

Maxamuud oo wali suaashii jawaabteeda si wada waxa uu yiri

” 12 gacmood buu soo maray dastuurka nin walba waa uu dhidi karaa aniga kii ugu danbeeyey maxaa loo badalay qolo walba waxa ay dhahday keenii wa la tuuray midka sharciga ah waa kii ay ogolaadeen 825 qofood oo UN ka website keeda ku jira waana 143 qodob ayuu ku dhigan yahay”

Feysal Rooble

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Ama Halkaan ka Dhageyso

Feysal isaga oo daba socda Jawaabtii Culusoow kana jawaabaya hadalheynta ku saabsan in Dastuurka si hoose wax looga badalay ayaa waxa uu yiri

Faroole xaq buu u leeyahay in uu ka daba tago hadii khalad lagu daray Dastuurka 35 qodob baa laga badalay intii u dhaxeysay markii  barlamaanka la sameeyey iyo markii madaxweynaha loo dhaarshay xilka, Xoosh oo dhamaantayo saxiibkeen ah  ayaa yiri labadii cisho ugu danbeeyey baanu badalnay 3 qoqdob waxaana kamid ahaa midii aheyd Muqdisho hadhoow baa laga wada hadli doonaa in ay magaalo madax noqoneyso iyo in kale waanu badalnay ayuu yiri…….”

Feysal oo hadalkiisii wataa waxa uu yiri.

“Waxba ma aad badali kartid ilaa la isla arko waxa dastuurka laga badalayo waa in aad marka hore aa ajende sameesaa, waa in ajendaha sheegtaa, waa in la daabacaa, waa in baarlamaanka uu u qabtaa shir, waa in la wargaliyaa madaxweynaha iyo R/Wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka markaas jooga wixii markaas la badalayo war ma jabhad beynu nahay”

Feysal iyo Culusoow ayaa ah labo aqoonyahay oo wax ka qora kana hadla arimaha siyaasada Soomaaliya.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Trending Articles