Sh/hoose(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay in askar ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ay isku soo dhiibeen, warkan ayey alshabaab ku faafiyeen baraha ay Internet-ka ku leeyihiin, waxayna soo bandhigeen sawirada rag ay sheegeen iney ka tirsanaayeen ciidanka dowladda,Sawirrada ayaa waxaa ka muuqanaya 2 Nin oo ku labisan dirayska lagu yaqaano ciidanka dowladda Soomaaliya kuwaas oo garbaha ku sita Qoryaha Nuuca AK47 ,raggan ayaa waxaa hareeraha ka taaggan rag u muuqaal eg alshabaab oo afka Cimaamado ku duubtay,alshabaab ayaa sheegay in raggani ay kasoo goosteen ciidanka dowladda Soomaaliya,isla markaane ay kusoo biireen dhankooda.
Wakiilka alshabaab ugu magacaaban gobolka Shabeelaha hoose Sheekh Maxamed Abu Cabdalla ayaa sheegay in raggani ay ka tirsanaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya,ayna ku khasabtay iney soo goostaan kadib markii sida uu sheegay ay u adkeysan waayeen weerarada alshabaab ay ku hayaan fariisimada ciidankani ay ku sugnaayeen.
Wuxuuna tilmaamay in ragga ay soo bandhigeen ay ka hawlgali jireen aagga deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha hoose,raggan la sheegay iney soo goosteen oo hadal laga soo duubay lasoo galiyey baraha Internet-ka alshabaab ayaa sheegay iney ka tirsanaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka hawlgalaya Shabeelaha hoose ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin sheegashada alshabaab ee ku saabsan in ciidan ka tirsan kuwa dowladda ay ku biireen alshabaabka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho