Kismaayo [RBC Radio]Magaaladda Kismaayo xiisad kacsanaan ah ayaa ka taagan kadib markii maleeshiyaad ay dhigteen isbaaro wado muhiim ah oo dhexmarta magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada Jubbaland ay arintaasi hawlgal ka sameeyeen islamarkaana israsaasayn koobani ka dhacday halkaasi iyadoo ciidamada amaanku ku guulaysteen inay burburiyaan Isbaaradii la dhigtay.
Israsaasayn ayaa sabbaabtey dhaawaca Col Raadeed oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka maamulkii KMG ahaa ee gobolka Jubbadda Hoose intaa la dhisin maamulka Jubbaland xiligana kamid ahaa saraakiisha dadaalka ugu jirey hirgelinta maamulka Jubbaland ayaa dhaawacani soo gaadhey kadib markii isku deyey inuu kala qaboojiyo israsasayn u dhexmartay ciidamada Amniga ee Jubbaland iyo Koox samaysay isku day ay ku doonayaan inay Jidgooyo dhigtaan mid kamid ah wadooyinka muhimka ah ee magaalada Kismaayo.
Col, Yaasiin Nuur Gaas oo loo yaqaano Yaasiin Raadeed ayaa dhaawucu kasoo garey daanka waxana xiligaan lugu dabiibayaa isbitaalka ciidamada AMISOM ay kuleeyihiin garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo inkasto wararka anuu hadda heleyno ay sheegeyan in goor dhow looqadi doono magaaladda Nairobi ee xarunta Kenya sii caafimadkisa loola tacaalo.
Wali wax war ah kama soo bixiin madaxda maamulka Jubbaland inksto lugu wado in saacaadaha na soo aadan ay ka warbixiin doonaan.
Dad goob jogayaal ah oo Raxanreeb ay la xiriirtey ayaa inoo sheegey in rasaas goos goos ah magaaladda laga maqlayo inkasto ay inoo sheegen in xaaladdu ay tahay mid degan goobihi diriirtu ay ka dhacdeyna ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland.
Dhinaca kale barqanimaadi saakey qarax ayaa ka dhacey xaafadda Fiya Afmadow ee magaalada Kismaayo waxana qaraxaasi lugu bartil maamed sadey gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ah howlgallka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa la sheegey inuu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso waxana lugu bartilmaamd sadey gaari nooca ciidamada xamuulka oo ay wateen ciidamo Kenya.
Wixii war ah ee kasoo kordha xaaladda Kismaayo kalasoco Www.Raxanreeb.com.
RBC Radio