Muqdisho(RBC Radio) Shirkii dib u habaynta waxbarashada dalka ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,shirka ayaa waxaa daah furay R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay bulshada Soomaaliyeed.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ballan qaaday in xukuumadda uu hogaaminayo ay Miisaaniyadda ugu badan ku bixin doonto horumarinta waxbarashada dalka si loo heli Jiil Soomaaliyeed oo waxbartay kuwaas oo dalka u horseeda horumar iyo barwaaqo,wuxuuna sidoo kale daboolka ka qaaday in xukuumaddu ay dib u hawlgalin doonto Jaamacaddii Lafoole iyo goobihii kale ee waxbarasho ee dalku lahaa si ay bulshada Soomaaliyeed u helaan waxbarasho tayaysan oo bilaash ah,wuxuuna si cad u sheegay in xukuumaddu ay tacliinta siin doonto ahmiyad la midah midda amniga.
Shirka oo ay ka qaybgalayaan ergo ka kala timi dhammaan gobolada dalka Soomaaliya,dalka dibadiisa,waxaana kamid ah dadka shirka ka qaybgalaya wasiirro ka socda maamulada Puntland iyo Galmudug,shirka oo socon doona muddo Saddex Maalmood ah ayaa waxaa looga doodi doonaa sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka.
Maryam Qaasim oo furitaanka shirka ka hadashay ayaa sheegay in qabashada shirkan ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya bals eay qabashadiisa gacan ka siiyeen hay’adaha UNESCO iyo UNICEF,wasiirka adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya Maryam Qaasim ayaa ka dalbatay ka qaybgalayaasha shirka iney soo bandhigaan talooyin ku aaddan tayaynta waxbarashada dalka,waxayna ku booriysay iney u midoobaan sidii ay tacliin hagaagsan u heli lahaayeen Ubadka Soomaaliyeed.
Wasiirka adeeggga bulshada Maryam Qaasim ayaa sheegtay in qodobada looga wada hadli doono inta uu shirku socdo ay ka mid yihiin, sida loo furi karo waddo cusub oo loo maro horumarinta Waxbarashada Soomaaliya, sidii dib loogu furi lahaa xarumihii waxbarashada dowladda ee bur buray, kuwa cusubne loogu biirin lahaa, iyo sidii loo midayn lahaa Manaahijta waxbarasho ee dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho