Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Saraakiisha AMISOM ee gobolka Hiiraan oo sheegay in la gaaray xiligii alshabaab laga sifeyn lahaa guud ahaan gobolkaas

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Saraakiisha Ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xiligan la gaaray markii gabi ahaanba deegaanada gobolka Hiiraan laga sifayn lahaa xoogaga alshabaab oo xiligan ka arimiya deegaano iyo degmooyin  ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiiraan qaybtane ka ah hawlgalka nabad ilaalita AMISOM Col. Cismaan Dubbad ayaa sheegay in la gaaray waqtigii alshabaab laga saari lahaa deegaanada gobolka Hiiraan ee ay wali ku sugan yihiin,hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli shalay ciidanka Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay alshabaab kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

” Alshabaab uma babac dhigi karaan awoodda ciidan ee aan leenahay,iskama difaaci karaan dagaalka aan kaga xoraynayno dadka Soomaaliyeed,waxaan isleenahay waxaad gaarteen xiligii  deegaanada laga sifayn lahaa alshabaab” sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubbad.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in shacabka ku nool deegaanada ay shalay gaareen ay si diiran usoo dhaweeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee deegaanadaa gaaray,”shacabku waa dad iska diyaar ah,waxaa dhibaato ba’an ku hayey nimankaas,waxaa laga rabaa iney ciidamada la shaqeeyaan,waxaa la gudboon iney isku abaabulaan sidii ay iskaga qaban lahaayeen cadowga dhiiggooda cabbaya” ayuu yiri taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan.

Alshabaab ayaan ilaa hadda ka hadlin tallaabooyinka ay ciidanka AMISOM ay iskugu ballaarinayaan deegaanada ka baxsan magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles